Madaxweynaha Jsl Oo Xadhigga Ka Jaray Dhisme Laba Dabaq Ah Oo Loo Bineeyey Wasaaradda Beeraha, | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxweynaha Jsl Oo Xadhigga Ka Jaray Dhisme Laba Dabaq Ah Oo Loo Bineeyey Wasaaradda Beeraha,
February 21, 2021 - Written by Editor:

Hargeysa-(W,N)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta si rasmi ah xadhigga uga jaray dhisme laba dabaq ka kooban oo loo bineeyey wasaaradda horumarinta Beeraha, kaas oo laga maalgeliyey cashuurta laga qaado dadka muwaadiniinta ah.

default

Munaasibadda xadhig-ka-jarista oo lagu qabtay xarunta wasaaradda horumarinta Beeraha, ayuu ugu horrayn madaxweynuhu kormeer ku sameeyey xafiisyada kala duwan ee uu dhismaha cusubi ka kooban yahay, iyada oo ay masuuliyiinta wasaaradduna warbixin kooban halkaas ku siiyeen madaxweynaha.

Ugu horrayn wasiirka wasaaradda horumarinta  Beeraha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Muumin Seed oo hadal kooban ka jeediyey munaasibadda, ayaa hogo-tusaaleeyey kaalinta mugga leh ee ay wasaaradda horumarinta Beeruhu qaranka ugu jirto iyo dedaalka ay ugu jiraan sidii wax soo saarka beeraleyda kor loogu qaadi lahaa, waxana uu yidhi,“Wasaaraddu waa  halbowlihii qaranku ku faani lahaa, welina waxaynu wax ku beeranaaa nidaamka roobka, sidaas daraaddeed haddii roob wanaagsan aynnu helnona wax soo saarkeennu wuu wanaagsanaanayaa, haddii uu roobku hoos u dhacona wax soo saarkeennu hoos buu u dhacayaa, caqabaddaas sidii aynu uga gudbi lahayn baannu imika ku jirnaa oo aannu u samayn lahayn biyo-xidheenno.”

Wasiirku waxa uu caddeeyey inay wasaarad ahaan suuro-geliyeen in gebi ahaanba laga maarmo siidhka dalka dibaddiisa ka iman jirey oo carrada ku keenay dhibaato badan, kuna beddeleen siidhka waddanka oo ay dhawaan u qaybin doonaan beeralayda dalka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane  Muuse Biixi Cabdi, ayaa dhiniciisa sharraxay waajibaadka qaran iyo shaqada laga rabo inay wasaaradda horumarinta beeruhu bulshada u qabato iyo sida loogu baahan yahay inay bulshada ugu xidhnaato, waxana uu yidhi, “Wasaaradda Beeraha waxa laga rabaa inay qaranka ku hoggaamiso inuu wax soo saaro oo marka hore aad aqoon u sheegto, marka dambe inaad ku hoggaamiso oo ku dhiirrigeliso inay wax lasoo baxaan, marka saddexaadna inaad u sheegto natiijada wixii soo baxay.”

Madaxweynuhu waxa uu ka digay dhulka bannaan ee xoolaha laga Oodanayo iyada oo aan wax laga beerayaa jirin, waxana uu amray wasaaradda horumarinta Beeraha inaanay aqbalin Ooddaas xoolaha daaqa loogu diidayo, “Nin waliba meel buu iska Ootay, waxna lagama beerayo oo xoolihii baa laga ceshanayaa, wasaaradda Beeruhu haddii ay beer bixiso waa inay hubsataa in meeshaasi beer ku habboon tahay, ugu badnaan sannad gudihiisna waa in meeshaas wax laga soo saaraa, haddii kale dhul-xidhashada wasaaradda beeruhu waa inay tallaabada ugu horraysa qaaddo oo tidhaahdaa meeshan Beer ma tahay” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Dhismahan cusub ee madaxweynuhu maanta xadhigga ka jaray, ayaa ka kooban 12-xafiis iyo Hool weyn oo shirarka loogu talo galay, iyada oo sidoo kalena si weyn loo qurxiyey barxadda dhismaha iyo goobaha gaadiidka la dhigto, islamarkaana loo sameeyey  berked cusub oo qaban doonta biyaha roobka ee kasoo dhacaya dhismaha dushiisa, si ay wasaaraddu uga faa’iidaysato.

Wa-bilaahi Tawfiiq

COMMENTS
LINKS