Qaramada Midoobay Oo Walaac Xoogan Ka Muujisay Xaalada Cakiran Ee Somaliya. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Qaramada Midoobay Oo Walaac Xoogan Ka Muujisay Xaalada Cakiran Ee Somaliya.
February 22, 2021 - Written by Editor:

MUQDISHO(W,N)-Ergayga Gaarka ah Ee Qaramada Midoobay U qaabilan Soomaaliya James Swan ayaa sheegay in xiisadda siyaasadda ee sii cakirmaysa ee Soomaaliya ay halis ku tahay horumarkii laga samaynay dib u dhiska hannaanka dawladdeed ee Soomaaliya iyo xataa xaaladda amniga.

Swan waxa uu walaac ka muujiyey iska hormaadka, xeeladaha cadaadiska iyo awood muujinta oo uu sheegay inay halis ku tahay xaaladda waddanka.

Waxa uu sheegay in heshiiskii la gaaray 17-kii Sebtember u yahay kan ugu habboon ee lagaga bixi karo dib u dhaca dooarshada, iyo xaqijinta in hoggaamiyayaasha Soomaaliya ay idan cad u haystaan wajaibaadkooda isla markaana loogu soo noqon alhaa in mudnaanta la siiyo ajandayaasha qaranka.

Waxa uu sheegay in loollalnka afka uu sii saa’idayo, isla markaana dhacdadii 19-ki Febraayo ay carqaaladaysay shrikii lagu qaban laha a Muqdisho ee lagu dhamaystiri lahaa heshiiska September 17.

Waxa uu sheegay inay ku dadaalayaan sidii ay labada maamul goboleed ee Jubaland iyo Puntland ugu soo biiri ahaayeen wadahadallada.

HALKAN KAGA BOGO WARKAN OO FAAH FAAHSAN;

COMMENTS
LINKS