Qaramada Midoobay Oo Sheegtay In Xidhiidhka Taiwan La Samaysatay Somaliland Uu Muujinayo Sida Caalamku U Danaynayo Gobolka Geeska Afrika! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Qaramada Midoobay Oo Sheegtay In Xidhiidhka Taiwan La Samaysatay Somaliland Uu Muujinayo Sida Caalamku U Danaynayo Gobolka Geeska Afrika!
February 24, 2021 - Written by Editor:

Qaramada Midoobay waxay sheegtay in Somaliland Iyo Taiwan si isku mid ah u raadinayaan Aqoonsi Caalami ah

Hargeysa (W,N)-Qaramada Midoobay, ayaa ka hadashay Ahmiyadda Gobolka Geeska Afrika uu u leeyahay Qaaradda Afrika iyo guud ahaan Caalamka.

Ergayga Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan oo War-bixin siiyey Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay, ayaa ka hadlay sida Dalalka Adduunku u danaynayaan Gobolka, taana ay muujinayso xidhiidhka diblumaasiyadeed ee Taiwan la samaysatay Somaliland, inkasta oo ay labadooduba yihiin Dalal raadinaya Aqoonsi Caalami ah.

Ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan ayaa yidhi  “Dhawaanahan waxa kor u kacay muhiimmadda Qaaradda Afrika iyo Adduun-weynaha u leeyahay Gobolku, iyadoo Taipei xidhiidh diblumaasiyadeed la samaynayso Somaliland.”

James Swan wuxuu sheegay in Somaliland ay Aqoonsi Caalami ah raadsanayso sida Taiwan oo kale  “Somaliland, sida Taiwan oo kale, waxay raadineysaa aqoonsi caalami ah”

COMMENTS
LINKS