Difaac Dugsiga Nuuradiin! W/Q; Dr. Aaden Ismail. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Difaac Dugsiga Nuuradiin! W/Q; Dr. Aaden Ismail.
March 6, 2021 - Written by Editor:

Waxa Aan Maalmahan kala socday waxyeello badan oo loo Geystay dugsi gaar loo leeyahay oo uu maal gashaday Muwaadin u dhashay Somaliland oo bixiya cashuur. Waxa Weeye mehered la mid ah meherdaha gaarka loo leeyayahay Sida Huteelldad, goobaha caafimaadka, dukaamada IWM. Haddii ay meheradi ku Cajabin weydo, waxa aad xaq u leedahay in aad ka digo rogoto oo aad raadsato tu Bixisa adeegaasi oo kale. Waa gardarro iyo sharci darro in aad qof muwaadin ah Hantidiisa burburiso. Anigu mulkiilaha ma aqaannoo, meel u magaallada ka Yaallana ma aqaan, carruur aan dhalayna wax kama barato laakiin waxa ka soo Aflaxay carruur ka tirsan qoyskayga.

Waxa Aan akhriyay gabadh ku cabanaysa in baska dugsigu ka fog yahay gurigooda. Haddii arrintaasii ku dhibtay, miyaad dugsi kuu dhow raadsatid.

Tusaale: Haddii aad u bogi weydo meherad sida makhaayad, miyaad shiidaysaa ood burburinaysaa imisa ta ku xigta ayaad tegi.

Dawladda waxa waajib loogu leeyahay in ay dadka hantidooda u ilaaliso ma aha in ay teeda oo keliya difaacdo. Waxa aan is leeyahay haddii ay arrintani ku dhici lahayd dugsiyada dawladda in ay maanta xidhnaan lahaayeen dad badani. Ma difaacayo hadii macallin ama maamule arday ku xad gudbo sida gacan ka hadal ama afxumo, waa in ardaygu ka dacwooda maamulkuna tallabo ka qaadaa macallinkaa haddii ay eedayntu ku caddaato.

Wa billahi tawfiiq

QALINKII; Dr. Aden Ismail

Canada

COMMENTS
LINKS