Inta Sharcigu Ogol Yahay? Sida Wax U Dhigma!Qalinkii:Axmed Cali Kaahin. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Inta Sharcigu Ogol Yahay? Sida Wax U Dhigma!Qalinkii:Axmed Cali Kaahin.
March 13, 2021 - Written by Editor:

Dunida Waxa kaliya ee aadmigu mahadiyay, marka laga istaago Dhinaca wax soo-saarka waxa gacmahoodu hooriyeen, ama ah Maxsuulka ugu mudan ee aadmi shaaca ka qaaday, daah Furkiisa, hindisihiisa, iyo hal abuurnimada ugu mudo’karsan Mudnaanta koobaadna leh  intii dunidani jirtay maxaa calanka u Sida arrinteebaana la isla meel dhigay.

Taasi oo dhamaan la isla meel dhigay in ay tahay arrinta ama Shayga u dhexeeya ummadaha najaxay iyo kuwa saaqiday ama Saqiiray taasina waa xariiqa kala saara kolba sida ay ummadi Muhiimada u siiyaan ama u dayacaan noloshana ku leh Saamayn guud iyo mid gaara ah.

Qodobkan aan lagu kala baydhin muxuu yahay ee is’ku fuuqsaday dhamaan hal-abuurnimadii ilma Nabi aadam Calayhi salaam. Marka la joogo dunida aqoonta adeegsata, noloshana ku haga xaga camirida dunidan, kuna sargooya waxbarashada ka madhan ta gumaysiga lagu anqariyay ee uu seeskeeda  sargooyay si uu gumaysi dadban waligii u lahaado, hogaan qarsoona oo ku xidhno maskaxdooda iyo maankooda la habeeyay taasi oo lingax adag lagu giijiyo iyadoo la deegsanaayo dariiqyo kala duwan oo sahlan.

Arrinta hindisaha koobaad  aadmigu meel bay kuwada tiiriyeen muhiimadiisa si aan kala baydh ahayn, taasina waxa keenay halbeegyada ay ku shirabeen, oo mid kastaa goonidiisa   u shaandheeyay, masaftiisana ku haadiyay, halka mucdu taalo

Taasi oo gunaanadkii wax is’ku mid ahi usoo baxay dhamaan si Gooni iyo gaar gaar ah.

Maxsuulkaana waxa soo saaray waa adeegsig aqoonta oo Dhamaan ummadahaasi ay adeegsadeen aqoonta hufan. Si Gaara oo aan gole ka fuul, laab la’kac, iyo caadifadi  ka dheer Tahay, miisaanka maskaxeed iyo muruqeedna u saaray diirada Ama cabiraha caaradiisa hoose ee wax sawirta.

Haddaba marka dunidaa hore laga tago waxaa jira labba Duniyood oo kale ku waas oo noocyo u kala baxa sida fiqiir ta Hore iyo ta dambe oo ah tujaar ma dhan. Waana dunida aan Muhiimada arrintan aynu ka hadlayno isla soo qaadinba gabi Ahaan muhiimadeeda, doodeeda, ilaalinteeda, adeegsigeeda, iyo horumarinteeda, iska daa in meel lagu wadda tiiriyo muhiimadeeda e’. Su’aasha ah ‘Waa maxay hindisaha koobaad ee aadamigu”.?

Qoladani  ama dunidani inta badan waxay ku mashquulaan, arrimaha la xidhiidha kobcinta iyo horumarinta nafta waxyaabaha lagu dhargiyo rabitaankeeda taasi oo haqabtir kaasi gaadho heer aad u liita.

Haddaan usoo gonda degno mucda mawduuca, dalka aan ku nool nahay waxa usoo jibaaxay xaalado adag oo qadhaadh xanuun badan oo aan ilaa hadda uur’ku taalladiisii wali la dhayo taasi oo duruufo qalafsan oo kala gadisan lahaa xiliyo badan oo la soo dhaafay haddana dheef wanaagsan lagu maalo taasi oo ah ninba waagii.

Sidaa daraadeed waxa ugu qaalisan ee ummadi hindisto ama aadme ikhtiraaco, ahna waxsoo-saarkiisa ugu qiimaha badan intii dunidu jirtay waa waxa loo yaqaan Dawladnimo.

 

Taasi oo qaabka looga shaqaysiiyo lagu kala tagay taariikhduna xustay wanaaga iyo badhaadhaha, ama xumaanta iyo hooga lagu xardhay taariikhdoodii madoobayd ama ifaysay ee lagu barwaaqoobay.

Siddaa daraadeed waxa kaliya ee dhamaan ummadi wadda leedahay waa dawladnimada ama ha samaaato ama ha xumaato, waana Dooni lawada saaran yahay dhamaan noocayada bulshada saamaynteeda iyo dheefteedana wixii ka soo baxa lawadda durduurto si isku midana u wadda saamaysa aadmiga …..

Idamka Allaah waxa xigi doono Qaybta 2/aad.

Qalinkii : Axmed Cali Kaahin

Aakaahin@yahoo.com

HA HILMAAMIN XUSKA RABI.

 

COMMENTS
LINKS