Madaxwaynaha Jsl Oo Shacabka Ka Tacsiyadeeyay Geerida Marxuum Cabdi Guray Oo Ku Geeriyooday Magaalada Hargaysa. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxwaynaha Jsl Oo Shacabka Ka Tacsiyadeeyay Geerida Marxuum Cabdi Guray Oo Ku Geeriyooday Magaalada Hargaysa.
March 22, 2021 - Written by Editor:

TACSI MADAXWEYNE: 22/03/2021

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland, ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Cabdi Axmed Nuur (Cabdi Guray) oo ku geeriyooday saaka oo ay taariikhdu ahayd 22/03/2021 Caasimada Somaliland ee Hargeysa.

Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ku sifeeyey oday xilkas ahaa oo ka baxay dalka iyo dadka door muhiimana ka soo qaatay nabadayntii iyo dib u dhiskii dalka, xilal kala duwana ka soo qabtay xukuumadihii kala danbeeyey.

Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

ALLAA MAHAD LEH

Xafiiska Warbaahinta Madaxtooyada JSL.

 

COMMENTS
LINKS