Sawirka Todobaadka Iyo Wasiir Cabdiwali!! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Sawirka Todobaadka Iyo Wasiir Cabdiwali!!
March 22, 2021 - Written by Editor:

GABILEY(W,N)- Sawir Kartoon si farshaxan leh loo diyaariyay Islamarkaana Xanbaarsan fariin Toos Ah oo ku socota wasiirka Isgaadhsiinta jsl Dr Cabdiwali Kaasi oo mudooyinkii Udanbeeyay Ay bulshada gobolka gabiley ku dhaliilayeen qaabka uu uwado Siyaasad Uu ku Hagayo beesha uu kazoo jeedo iyo saamaynta kala qaybsanaaneed ee ay ku keentay, kaasi oo uu nuxurkiisu yahay talo soo  jeedin iyo in aanu xalka isku duubnida beeshiisu ahayn mid cid kale ku xidhan balse uu isagu abuuri karo furmad midnimada beeshiisa keeni karta islamarkaana uu taariikhda ku gali karo masuulkii xilkiisa ku kala furtay tolkii kana badbaadin karta guuldaro ay taariikhdu xusto isagoo wakhti xaadirkan ku foogan kala xulista musharxiinta golaha wakiilada iyo deegaanka umatalaya beeshiisa hoose taasi oo bulshada uu kasoo jeeda siwayn ugu kala qaybsantay musharixiinta ay ukala xulayaan Golaha deegaanka Degmada gabiley iyo golaha wakiilada gobolka maroodi jeex, Iyadoo golaha wakiilada ay uga sharaxan yihiin laba musharax oo ka kala tartamaya kulmiye iyo ucid halka golaha degaankana uu wasiirku sedex xubnood ka sharaxay xisbiga kulmiye, halka Xisbiga Ucidna ay ka sharaxan yihiin laba musharax oo kale kuwaasi oo dhamaan kasoo jeeda jufadiisa hoose.

Sidoo kale wasiir cabdi wali ayaa ku guuldaraystay in uu xisbi xaakimka kulmiye ee uu wasiirka ka yahay uu keeno musharixiin kale oo kasoo jeeda beeshiisa, marka laga tago jufadiisa hoose,

Dhanka kale Wasiir Cabdiwali Ayaa Xafiiltan siyaasadeed oo Adagi Udhexeeyaa Musharax Shucayb Maxamed Muuse oo ka sharaxan Xisbiga ucid golaha wakiilada gobolka maroodi jeex oo ay yihiin seediyo isagoo tahli kari waayay in uu ku qanciyo wax udan beesha iyo masiirkooda siyaasadeed balse u ka doorbiday in uu ku qaado dagaal siyaasadeed iyo hadba in meel laga weeraro,

Sidaasi oo ay tahay wasiir cabdi wali ayaa xiligan siyaasadiisii kusoo ururtay hirdan beesha dhexdeeda ee isaga iyo seedigii kaasi oo laga cabsi qabo in uu sobobo isku dhac toos oo udhexeeya dadka kala taageersan umusharax uu daba ka riixayo iyo kuwa shucayb ee ku sugan deegaanada miyiga  qadow ilaa deegaanada itoobiya ee ay beeshu degto Iyadoo mudooyinkii udanbeeyay ay aad baraha bulshada ku arkayso xafiiltan musharixiinta beesha iyo weedhaha aan haboonayn ee ay baraha bulshada isku waydaarsanayaan kuna faafinayaan xubno kala taagersan.

Dhanka kale wasiir cabdiwali ayaa lagu eedeeyay in uu hantadii dawlada iyo masuuliyadii qaanka uu taageero ugu raadinayo afar  musharax oo isagu kazoo sharaxay xisbiga kulmiye kuwaasi oo maalmihii udanbeeyay biyo ku qaybinayay deegaanada ay jufadiisa hoose degto, halka aanu wax gurmad ah ufidinin bulshada kale ee ku dhaqan gobolka ee ay  biyo la,aantu soo foodsaartay islamarkaana uu uyahay wasiirka ee uu codkoodii ku fadhiyo kursiga wasiirka isgaadhsiinta iyo technolajiyada Somaliland.

HALKAN KAGA BOGO SAWIR KARTOON XANBAARSAN FARIIN TOOS AH OO KU SOCOTA  WASIIR CABDIWALI SHEEKH CABDILAAHI SUUFI JIBRIIL;

 

COMMENTS
LINKS