Taliyaha Ciidanka Qaranka Jsl Oo Tacsi Udiray Marxuum Gaashaanle Sare Cabdi Daahir Oo Ku Geeriyooday Magaalada Hargaysa. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Taliyaha Ciidanka Qaranka Jsl Oo Tacsi Udiray Marxuum Gaashaanle Sare Cabdi Daahir Oo Ku Geeriyooday Magaalada Hargaysa.
March 26, 2021 - Written by Editor:

Tacsi

Taliyaha Ciidanka Qaranka JSL S/Gaas Nuux Ismaaciil Taani, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka saraakiisha, saraakiil-xigeenka, Aliflayda iyo dablayda ciidamada qaranka Somaliland, waxuu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qaranka, ciidanka, qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxay Alle ha u naxariiste marxuum G/ Sare Cabdi Daahir Cali, Hogaankii maamulka Lacagta ee CQ oo ku geeriyooday magaalada Hargeysa maanta 26 March, 2021.

Waxuu Ilaahay SW uga baryey inuu janadiisa ka waraabiyo, Samir iyo iimaana ka siiyo, qaranka, qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxay marxuumku.

Inaa lilaah wa inaa ileyhi raajicuun

–https://youtu.be/AYjpBaqj8oM

COMMENTS
LINKS