WAJAALE NEWS

Maxkamada Gobolka Maroodi Jeex Oo Saaka La Horkeenay Musharax Shucayb Maxamed Muuse Iyo Rumaan 7Cisho Ah Oo Loo Diray.

Hargeysa(W,N)-Maxkamada Gobolka Maroodi Jeex ayaa Saaka la horkeenay musharax shucayb maxamed muuse oo habeenii khamiistii ciidanka boolisku xabsiga utaxaabeen. Iyadoo aad loo adkeeyay Amaanka maxkamada islamarkaana musharax ay sideen ciidamo tiro badan oo aad moodaysa jawiga maxkamada in la horkeenay cid argagixiso ah ama qof danbi culus ka galay qaranka

Maxkamada gobolka maroodi ayaa  7 cisho oo rumaan ah u dirtay Musharax Shucayb Maxamed Muuse taasi oo ay ka dalbadeen haayadaha baadhista oo aan wali keeni eeda loo haysto musharax shucayb iyo cida dhibanaha ka ah

Shucayb Maxamed Muuse oo kamid ah musharixiinta xisbiga ucid ayaa maalintii seddexaad ku xidhan Saldhiga dhexe ee magaalada Hargaysa

Xukuumadda Somaliland iyo laamaha ayaa mudooyinkii udanbeeyay caadaystay xadhiga musharixiinta ka sharaxan xisbiyada mucaaridka gaar ahaan xisbiga kuwaasi oo dhamaan musharixiinta la xidhay oo shucayb  udanbeeyay dhamaan ay kazoo jeedaa beesha sacad muuse iyadoo talaabooyinka lagu ugaadhsanayo musharixiinta hanka leh ay bulshada reer Somaliland ku noqotay fajaciso kuwaasi oo walaac ka muujiyay doorashooyin xor ah oo dalka ka dhaca maadama xukuumadii kulmiye iyadoon doorasho la gaadhi ay si toos ah u ugaadhsanayso musharixiinta ay u arkaan in ay saamanayaa kuwo ay soo xusheen xisbi ahaan

Sikasta oo ay tahay xukuumada iyo laamaha amnigu ayaan wali ka hadlin xadhiga Shucayb Maxamed Muuse.

Exit mobile version