Xadhiga Siyaasiga Ah Dadka Waxba Ma Yeelo e , Waa Lagu Dalacaa Laakiin Dalka Ayey Ku Tahay fool-xumo In Dawladnimada Iyo Shuruucda Lagu Danaysto. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xadhiga Siyaasiga Ah Dadka Waxba Ma Yeelo e , Waa Lagu Dalacaa Laakiin Dalka Ayey Ku Tahay fool-xumo In Dawladnimada Iyo Shuruucda Lagu Danaysto.
April 3, 2021 - Written by Editor:

Dawladnimadu waa nidaam ku dhisan heshiis bulsho oo ah dastuurka iyo xeerarka kale ee ka farcama , waxaana ay u dhisan tahay ilaalinta karaamada iyo daryeelka dadka jamhuuriyada Somaliland , sida ku cad qodobka 1aad ee dastuurka faqradiisa 2aad iyo qodobada dastuurka jamhuuriya Somaliland ee 22naad ilaa 36naad waxa kaliya ee ay ka hadlaan yahay xuquuqaha iyo xoriyada muwaadiniinta jamhuuriyada Somaliland.

Maadaama oo dastuurka dalku u damaanad qaaday in qofku wax dooran karo lana dooran karo qodobkiisa 22naad , in qof lagu hadido maxaad isku sharaxday waxa ay meel ka dhac iyo foolxumo weyn ku tahay waxii umada jamhuuriyada Somaliland dhigatey iyo shuruucda dalka, waxaana ay qaranka 30jirsaday ku noqonaysaa cawaaqib xumo iyo dib u dhac weyn oo soo food-saaray .

Sadexda sanadood ee xukuumada uu gadhwadeenka ka yahay Madaxwayne Biixi waxa hadh beeley xadhiga ujeedaysan kaasi oo lala beegsado siyaasiyiinta , saxafiyiinta , muwaadiniinta kale ee jamhuuriyada Somaliland ee aaraadooda iyo aragtidooda cabira isaga oo uu u damaanad qaadey dastuurka dalka qodobkiisa 32naad .

Waxa muuqata in xukuumadu la soo baxday cadaadis ay ku hayso dadkeeda , cidii ay u aragto in ay mucaarid ku tahay ama danaheega ka soo horjeedo , sidaasi oo ay tahay oo maanta meelkasta culeys la saarey haddana Madaxwaynaha Somaliland wali waxa uu rabaa in uu nidaamka dalku noqdo mid aan cidi ka daba hadal, waxaana kuu cadeynaya hadalkii Madaxwaynaha maalintii shirweynaha xisbiga kulmiye oo ku tusaya in uu saluugsan yahay xeerarka dalka u yaalla isaga oo waliba Madaxwaynaha iyo maamulkiisu ay ku danaysteen xeerarka iyo shuruucdii dalka ee hore .

Hantida kaliya ee dadka jamhuuriyada Somaliland haystaan waa nidaamka dawladnimo , isaguna hadii uu noqdo wax marba cida kursiga joogtaa ku danaysato waxa iman doonta in uu meesha ka baxo oo dalku fawdo noqdo , hay’adaha qaranka ee dalka iyo muwaadiniinta jamhuuriyada Somaliland waxa loo baahan yahay in ay ilaaliyaan shuruucda dalka oo aanay ku shaqeyn rabitaanka ah marba qofka jooga in sharciga dalku noqdo shaadh isaga leeg oo lagu qiyaaso.

Dhawaan bay ahayd markii axsaabta siyaasada jamhuuriyada Somaliland ay ka baxeen xayndaabka sharci ee dalka iyo waxii ay ku dhisnaayeen iyaga oo dalka dib ugu celiyey nidaamkii beelaha , waxaana ay si badheedh ah u jabiyeen qodobka 9aad ee dastuurka jamhuuriyada Somaliland , wali maan arag cid ka hadasha , natiijadeediina waxa uu dhalay in murashaxiin tartamaysa oo axsaab ku jirta la yidhaahdo reerkooda ayaa haysta oo xidhay iyada oo loogu soo dhuuntay nidaamka dawladnimo.

Madaxwaynaha hadda dalka joogaa xiligii uu mucaaridka ahaa waxii uu diidanaa oo dhan iyo wax ka badan ayuu sameeyey oo ah in aan la ilaalin xaqa iyo xuquuqda siyaasadeed ee muwaadinka , adeegsiga xadhiga siyaasadeed , u afduub xisbi qaran dan gaara , cabudhinta iyo cadaadiska muwaadiniinta jamhuuriyada Somaliland hadii ay yihiin siyaasiyiin , saxafiyiin , samefaleyaal , muwaadiniin shacbi ah iyo qof kasta oo ay u aragto xukuumadiisu in uu ka soo horjeedo.

 

Arimaha noocan ah oo dhamaantood ahaa wax dhacayey mudada sadexda sanadood iyo badhka ah ee uu madaxweynuhu talinayey waxa ay meel ka dhac iyo gef ku yihiin waxii umada jamhuuriyada Somaliland halganka dheer u soo gashay ee ay ku wayday boqolaal ka kun ee qof , waxa ay meel ka dhac ku yihiin shuruucda dalka iyo nidaamka dimuqaradiyadeed ee dalka jamhuuriyada Somaliland, waxa ay meel ka dhac ku yihiin xuquuqda muwaadiniinta jamhuuriyada Somaliland iyo guud ahaan xuquuqda aadamaha.

Waxa aan cambaareynayaa dhamaan falkasta oo meel ka dhac iyo gef ku ah xuquuqda siyaasadeed ee muwaadiniinta jamhuuriyada Somaliland iyo xuquuqaha kale ee aasaasiga ah ee shuruucda dalku siisay , sidoo kale waxa aan cambaareynayaa dhamaan gefafka laga galay shuruucda doorashooyinka iyo dastuurka dalka iyada oo dano gaar ah la eeganayo, waxa aan cambaareynayaa meel ka dhaca lagu sameeyey axsaabta siyaasadeed ee jamhuuriyada Somaliland oo ah hanti uu dadka iyo dalka jamhuuriyada Somaliland leeyahay mudada ay jiraan.

Waxa aan uga digeynaa xukuumada Madaxwayne Muuse Biixi iyo xisbigeeda in ay ilaaliyaan sharafta iyo karaamada hay’adaha qaranka , ciidamada qaranka iyo garsoorka dalka oo aan loo adeegsan dan siyaasadeed iyo wax ka duwan xeerarka dalka ee lagu dhisay , arimahani oo ku keenay in ay nusqaanto kalsoonida shacabku ku qabaan hay’adaha dastuuriga ah ee dalka iyo ciidamada qaranka guud ahaan oo ay ahayd in ay dadka iyo dalka dhex u ahaadaan .

Mohamed Abdi Jama

QALINKII; Hogaamiye: Mohamed Dhimbiil

COMMENTS
LINKS