Xadhiga Iyo Meel Ka Dhaca Siyaasiyiinta Iyo Masuuliyiinta Reer Gabiley Halkuu Ku Arooraa? | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xadhiga Iyo Meel Ka Dhaca Siyaasiyiinta Iyo Masuuliyiinta Reer Gabiley Halkuu Ku Arooraa?
April 5, 2021 - Written by Editor:

GABILEY(W,N)-Laga soo bilaabo sanadkii 2010 kii waxa dhacay Waxyaabo iyo gabood falo siyaasadeed oo lala beegsanayo Siyaasiyiinta iyo masuuliyiinta kasoo jeeda Gobolka Gabiley kaasi oo u muuqda ujeedo siyaasad fog ku daba leh iyo sumcad dil lagu hayo masuuliyiinta ka soo jeeda gobolkaasi.

Waxa aynu ka soo bilaabaynaa sanadkii 2010kii ayaa waxa la yidhi waxa lala dagaalamayaa musuq-maasuq waxaana xabsiga loo Taxaabay mayorkii hore ee Gabiley, halka waaran qabasho loo jaray mayorkii markaa xilka hayey oo isaguna xadhiga ka dhuuntay, dhacdadani waxa ay ka dhacday Gabiley oo kaliya iyada oo lagu dhici waayey goboladii kale iyo madaxdoodii.

Laba sanadood ka dib waxa ka dhacay deegaanka Seemaal ee ku dhow Ceel-bardaale dil qorsheysan , iyada oo aan waxba la baadhin,  cidina waxba isweydiin ayaa janankii ciidamada qaranka xilka laga qaaday arinkaasi awgii , waxa sidoo kale Xarunta dambi baadhista lagu xidhay la taliyihii Madaxwayne siilaanyo oo isaguna ka soo jeeday deegaankaasi.

Waxa mudo 2 bilood ka dib ah xilkii taliyaha ciidamada qaranka Somaliland laga qaaday taliyihii labaad ee xilka ka tirsadey taliyaha hore , isaga oo waliba farogalin qaawan lagu sameeyey shaqada ciidamada qaranka iyada oo aan lagala tashan.

Mudo ka dib haddana waxa xilkii qaranka jamhuuriyada Somaliland laga qaaday wasiirkii warfaafinta oo isaguna ka soo jeeda Gobolka Gabiley iyada oo mudada uu shaqeynayey lafteeda lagu hayey hadidaad iyo farogalin shaqadii uu qaranka ugu xilsaarnaa sidii uu warbaahinta dalka ku cadeeyey.

Waxa isaguna xilkii uu qaranka u hayey sababo siyaasadeed looga qaaday wasiirkii hore arimaha dibada isla markaana ahaa wasiirka ganacsiga xiligaasi oo ka soo jeeda Gobolka Gabiley.

Waxa ku xigey oo xilkii uu qaranka u hayey laga qaaday isaga oo ku guda jira shaqadii uu qaranka u hayey wasiirkii maaliyada oo ka soo jeeday Gobolka Gabiley, xil ka qaadistani oo ahayd mid siyaasad ku raad leh oo aan aheyn hawlo shaqo.

Waxa hadda xidhan oo saldhiga dhexe ee magaalada Hargeisa lagu haystaa wasiirkii warshadaha ee xukuumadii hore , oo horena u soo noqday mayorka Gabiley iyo wasiiru dawle Shucayb maxamed muuse, ilaa hadda lama garanayo sabab cad oo lagu haysto iyo cid haysata toona.

Markii aan in badan u fiirsanayey dhacdooyinkani iyo qaar badan oo kale oo maamul oo dhacay waxa ay iila muuqdaan mu’aamarado qorsheysan oo loogu talogalay in masuuliyiinta ka soo jeeda gobolkaasi lagu bah dilo dhamaantoodna waxaa ka dambaysay siyaasad qorsheysan oo bartilmaameed ay u yihiin reer Gabiley.

Arimahani waxa aan ka madhnayn khilaafka iyo is eryadka siyaasiyiinta reer Gabiley ka dhexeeya oo uu keenay koobnaanta xilalka deegaankaasi kaga soo qayba xukuumadaha iyo waliba siyaasad ah ” lafo gari iyaga ayaa la isku jebiyaa ” oo la isticmaaley, iyada oo aynu kawada dharagsanahay habkii qaribnaa ee ay xukuumadihii kala dambeeyey u shaqeynayeen iyo boobkii hantida umada in aan ilaa maanta cidi waxba iska weydiin.

Waxaa hubaal ah in cidwaliba oo dhacdooyinkaasi ku lug lahayd iyo qorsheyaasha sumcad dilka ah ( Defamation of character ) in lagula xisaabtami doono , talona la isugu noqon doono.

Qalinkii Hogaamiye Mohamed Abdi Jama

Mohamed Dhimbiil

 

COMMENTS
LINKS