Wasaaradda Waxbarashada Oo Soo Saartay Amar Ah In Ardaydu Lacagta Bisha Bixiyaan, xitaa Bilaha Ay Fasaxa Ku Jiraan! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasaaradda Waxbarashada Oo Soo Saartay Amar Ah In Ardaydu Lacagta Bisha Bixiyaan, xitaa Bilaha Ay Fasaxa Ku Jiraan!
April 6, 2021 - Written by Editor:

Hargeysa (W,N);-Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska ee Somaliland, ayaa soo saartay Awaamiir ku socda Waalidiinta ay Ubadkoodu ku jiraan Dugsiyada Waxbarashada.

War-saxaafadeed Shalay lagu baahiyey Bogga Wasaaradda Waxbarashadu ku leedahay Facebook, ayaa lagu sheegay in Waalidiinta looga baahan yahay inay lacagta Bisha ee Ubadkooda laga qaado ay bixiyaan 12-ka sanadood ee Sannadka.

War-saxaafadeedkaa oo arrimo kalena lagaga hadlay, ayaa u qornaa sidan “Wasaaradda Waxbarashada iyo Saynisku waxay ku ammaanaysaa dhammaan goobaha waxbarashada JSL sida xilkasnimadu ku dheehan tahay ee ay u fuliyeen go’aannadii Guddiga Qaran ee Xanuunka KALA-ROORA iyo wareegtadii Wasaaradda Waxbarashada.

Haddaba Wasaaradda Waxbarashada oo ka duulaysa in xaqiiqada ah inay dugsiyadu fasax yihiin inta u dhaxaysa 13/4/2021 iyo 3/7/2021, muhiimadda ay leedahay dhaqaalaynta macallimiinta iyo inaan culays dhaqaale la saarin ardayda; waxay soo saartay go’aannadan:

Way reebban tahay in dugsiyada dalku ay ardayda shuruud kaga dhigaan bixinta lacagta dugsiga (Fiiga) oo lagu waajibiyo inay waalidku isku mar bixiyaan 2 bilood iyo ka badan; haddii aanu waalidku sidaas doorannin.

Dugsiyada waxa la farayaa inay mushahar siiyaan macallimiinta iyo shaqaalaha dugsiyadooda ka hawlgala dhammaan 12-ka bilood ee sannadka, maadaama ay ardaydu lacag (School Fee) bixinayaan 12-ka bilood ee sannadka.

Waa waajib in ay waalidiintu bixiyaan lacagta Fiiga waxbarashada dhammaan 12-ka bilood ee sannadka, iyadoo loo bixin karo bil, kal (Semester) ama sannad; hadba kii waalidku doorbido.

Dugsiyada waxa la farayaa in aanay ardayda lacag kaga qaadin imtixaan, buugaag, waraaqo, qalimaan, tabaashiir, beddel, diiwaan galin, safar, iwm. Isla markaana inaan ardayda lagu amrin inay soo iibiyaan agab dugsiga looga baahan yahay; marka laga reebo agab arday waxyeello u geystay oo laga magdhebayo.

Maamulayaasha dugsiyada, macallimiinta, ardayda, waalidiinta iyo Wasaaradda waxa ka dhexeeya ixtiraam in uu kordho mooyaane ay tahay in aanu marnaba hoos u dhicin.

Waa in Waalidka iyo Maamulka Dugsiyadu yeeshaan wadatashi joogto ah oo ku saabsan arrimaha Waxbarashada dugsiga iyo xoojinta xidhiidhkooda, isla markaasna sannadkiiba hal mar la qabto kulanka horumarinta dugsiga oo ay ka soo qayb galaan dhammaan waalidiinta iyo macallimiinta dugsigu.”

COMMENTS
LINKS