Guddiga Doorashooyinka Oo Cayimay Goobaha Kaadh Qaadashada Ee Maalmaha Loo Kordhiyey Gobolada Maroodi-jeex Iyo Awdal. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Guddiga Doorashooyinka Oo Cayimay Goobaha Kaadh Qaadashada Ee Maalmaha Loo Kordhiyey Gobolada Maroodi-jeex Iyo Awdal.
April 6, 2021 - Written by Editor:

Hargeysa(W,N)-Guddiga Dooraashooyinka Somaliland, ayaa Toddoba maalmood Oo dheeraad ah ku daray Kaadh-Qaadashada Codbixiyeyaasha ee gobollada Awdal, Maroodijeex iyo Togdheer, kaddib markii ay soo gebo-gaboobeen saddex maalmood oo loogu talo-galay kaadh-qaybta saddexda Gobol.

Hawl-wadeennada Kaadh-qaybinta ee Guddiga Doorashooyinka, ayaa ka sii qayb-gali doona goobo cayiman oo loogu talo-galay in hawsha kaadh-qaybintu ka sii socoto inta u dhaxaysa 04-ta bisha ilaa 10-ka bisha April.

Shaxda Hoose kaga bogo Goobaha loo cayimay ee hawsha kaadh-bixintu ka sii socon doonto gobollada Maroodijeex iyo Awdal.

Gobolka Maroodijeex, waxa ay Hawsha Kaadh-qaybintu ka sii socon doontaa goobo cayiman oo ku yaalla Degmooyinka gudaha iyo Nawaaxiga Caasimadda Hargeysa, Balligubadle, Alleybaday, Sallaxley iyo Wajaale.

SHAXDA GOBOLKA MAROODIJEEX;

Dhinaca Kale, Gobolka AWDAL waxa ay hawsha kaadh-bixinta diwaangelintu ka sii socon doontaa goobo Cayiman oo ku yaalla Degmooyinka Boorama, Baki, Lughaya, iyo Saylac.

HALKAN HOOSE SHAXDA GOBOLKA AWDAL DHIGA;

 

COMMENTS
LINKS