Dr Gaboose Muxuu Doonaayay In uu Innoo Sheego?Qalinkii: M. Haaruun. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dr Gaboose Muxuu Doonaayay In uu Innoo Sheego?Qalinkii: M. Haaruun.
April 6, 2021 - Written by Editor:

Runtii Dhawr jeer baan ku celiyay warkiisa, hal qodob oo aan qoro na kama guntin odayga. Midhkaasi waa iga dhab. Sidaas darted, waxa aan is weydiiyay dhab ahaan waxa uu rabay in uuDigtoorku innoo sheego. Su’aalaha aan iska waydiiyay hadalkiisa, waxa ka badan, oo weliba igala muhiimsan, su’aalaha aan ku soo qaadaayo dhamadka qoraalkan, kuwaas oo ku saabsan buugga aan sooba bixin ee uu Digtoorku inoo sii sheegay in uu soo wado.

1;Haye, dhakhtarro badan baa dhintay, kuwo kale na xoog ayay sakaraad u yihiin, aniguna kolkii aan dhawaan bukooday ee xoog isula shawray, shaqadii waa ka fahdiistay! Kolkaas ma xiliga ay u gu sarayso baahida dhakhtar loo qabo, ee awalba aadka u saraysay, ayaa idinla sugaayay baa na leedahay Digtoor? Taas maxaa uga jeeddaa? Dhakhtarada dhintay iyo kuwa qiriric leh maxaa u soo qaadatay? Dhab ahaan maxaa rabtay in aad noo sheegto?

2;Haye, dhakhtarnimadii iyo siyaasaddii ba waa ka tegay, dib na iigu maqli maysaan, samafal baanan u wareegayaa. Dhakhtarnimada samafal weyn baa ku jira hadii laga dhigo, siyaasadda na sida oo kale. Hadiiba aad na leedahay haatan hawlgab baan gelayaa oo shaqadii badnayd waa yaraynayaa, miyaanay samafalka u weyn ahayn in ardayda caafimaadka aad train garaysid, oo masaakiintii aad mudada dheer gacanta kulul ku qaban jirtay, ee weliba xoogga u tuujin jirtay, aad haatan bilaash ku dawayso, u gu yayraan usbuucii maalin ama laba? Ma samafal taas ka weyn baa jiraba? Dictoorka sidee ka noqotay? Taloow muxuu doonayaa in uu innoo sheego?

3;Haye, siyaasaddii waa ka tegay. Laakiin toban sanno ka hor awal miyaanay siyaasad ba kuu gu dambayn? Muxuu hadda ka tegay aan fahamnee? Muxuu taloow doonaayay in uu innoo sheego?

4;Haye, Ilaahay iyo xukuumadda UK ayaa u mahad celinayaa! Kolka uu qofku hawlgab gelaayo, ee cid u mahad celinaayo, saw khasab ma aha in uu sida ay cidda loo mahad celinayaa u kala mudantahay u kala horaysiiyo? Marka Ilaahay laga yimaaddo, Dr Gaboose cidda ka dhigtay wax kasta oo uu yahay ama ahaan jiray, waa umadda Soomaaliyeed iyo dawladnimadii raadqaadka ku kuftay ee Soomaalida. Waa dawladnimadii ay geeljirayaasha iyo askartu isla jiidheen, hadiiba ay cidi ka faaiiday na, inta tirada yar ee ka faaiiday, ee wax ku noqotay buu yahay. Aniga malahayga, Ilaahay iyo xukuumadda UK cid badan oo u dhaxayn lahayd baa jirtay, Gaboose na ma garan waayin taas, hadana si kale ayay ka noqotay! Taloow sidee ka noqotay? Mooyi. Taloow muxuu doonaayay in uu innoo sheego? Ma sheeko baralaydii ahayd Muuse Carre iyo Ingiriis Carre ayuu si u doonaayay in uu ina xasuusiyo? Sidaas miyaa? Mooyi!

5;Haye, xabaal-wadareedka Malko-durduro iyo dadkii la laayay iyaka muxuu ku xasuustay? Awal muxuu rabay inuu innoo sheego? Haye, Taliyihii booliiska, Cilmi-kabaal baa kuu yimid, oo isaga oo aan wax sidaas ah kuuba sheegin ayuu ku hor galay, adiguna waa iska daba gashay adiga oo aan wax sidaas ah ogayn. Oo markaana? oo maxaa jiray? Adiga oo Wasiir ah, askari aan waxba kuu sheegin maxaa u daba gashay? Yeelkadaa, iskaba samee sidaas, laakiin hadda maxaa waxaas noogu sheegtay? Dimuqraadiyaddii iyo sarayntii sharciga waa la dilay oo keliya hadii aad rabtay in aad nagu tidhaahdo, taas oo aan kugu waafaqsanahay, maxaa ilaa halkaas noo kaxaysay? Ma tusaale kaas ka fudud baa weyday? Anakuna in aanu iska kaa daba galno adiga oo aan waxba noo sheegin miyaa rabtaa? Dr Gaboose, awal maxaa rabtay in aad noo sheegtid?

6;Isku soo wada duub, digtooryahow midh keliya ayaa ku gu dardaarayaa. Hadaladii aad tidhi dabcan dib ma u celin kartid, fursadda u gu muhiimsan ee kuu hadhay na, aniga sida ay ila tahay, waa buugga aad sheegtay in aad soo waddid. Buugaas sida adiguba aad carabka ku dhufatay, cid kale ayaa kaa qoraysa oo ku gu sadaqaysatay. Weriye xirfad qoraal leh, oo taariikh siyaasi qori kara, oo si dhab ah u faaqida qumaati iyo qalooc, macaan iyo qadhaadh ba, xaqiiqooyinka ku duugan soo yaalka nololeed ee qofka wax laga qoraayo, anigu wadanka ba kuma ogi, waa se jiri kartaa cid ii dhuumatay. Si kasta oo aan taas uga rajo xumahay bilowgaba, hadana Buuggaas waxa maanta kuu furan in aad ka run sheegtid waxa aad doonayso in lagu diiwaan geliyo. Haa, in aad ka run sheegtid, oo taariikhda la soo dhaafay aanaad waafajinin waaqicca maanta, sida aan ka dhegaystay waraysiyadaadii Saab TV qaarkood. Run badan oo aad ogtahay baanad sheegin kolkii aad Cali-seenyo la hadlaysay, run kale oo badan na, si waafaqsan waxa maanta jira ayaa u sheegtay.

Tusaale ahaan, dadwaynaha ayaa waydiisay in ay ka jawaabaan sababtii C/raxmaan-tuur loola dagaalamay, ee maamulkii jiray iyo shacbiga ba xabadda bilaa micnaha ah loogu waday mudadii labada sanadood ahayd ee uu joogay. Dadku ha ka jawaabo ayaa tidhi, daw na ma ahayn. Adigu waxa aad afkaaga ka weeciso, yaa doonaysaa in uu micneeyo? Midda kale, adiga oo mahad badan C/raxmaan iyo qoyskiisa, iyo sodoggii Xaaji Basbaas ba ka sheegtay, hadana saw maad ahayn ninkii BBC da ka yidhi Tuur baan wadanka ka mustaafuriyay? Adiga oo dhab u og, oo dadku na wada ogaa, xaqiiqada ah Tuur in aan cidina mustaafurinin oo iskii uu wadanka u yimid, ugana dhoofay, saw warkaas maad ka daba tuurin kolkii aad dhab u hubsatay in uu dhoofay saacado badan ka hor? Dhacdooyinka kuwaas ah, iyo kuwa badan ee la jaadka ah, waxa aan kaa codsanayaa in aad si qayaxan oo geesinimo leh uga badheedhid, oo ka run sheegtid, ilayn waadiga yidhi hadda damac dambe iguma laabna oo arday diineed baa noqonayaa. Halkaas baa guul kuu gu dhow. Dambaskaa ma xumaadee, dariiqaas ha ka leexan, Dr Gaboose.

Dr;Axmed Cabdi, ixtiraam weyn baan kuu hayaa, hawl gab iyo nasasho wanaagsan baanan kuu rajaynayaa. Rest in piece.

 

COMMENTS
LINKS