Taariikh Noocee Ah Ayaa Ka Raacaysa Wasiirka Isgaadhsiinta Tacadiga Uu Kula Kacay Seedigii Iyo Hadalhaynta Deeq-Bixiyayaasha Ee Xadhiga Murashax Shucayb | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Taariikh Noocee Ah Ayaa Ka Raacaysa Wasiirka Isgaadhsiinta Tacadiga Uu Kula Kacay Seedigii Iyo Hadalhaynta Deeq-Bixiyayaasha Ee Xadhiga Murashax Shucayb
April 7, 2021 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Waa Markii u Horeysay ee Taariikhda, Ay Dhacdo in uu Siyaasad ahaan uga Aargoosto, Ninkii Seediga loo ahaa Ninkii Walaashii Qabey kadib Markii uu Talaabadan qaadey Wasiirka isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyada, Somaliland Cabdiwali Sheekh Cabdilaahi Suufi Jibriil, oo Xadhig iyo Tacadi Adag kula Kacay Seedigii Murashax Shucayb Maxamed Muuse oo isaga hortii Ahaa Wasiirkii kasoo jeeday Gobolka Gobolka Gabiley ee Uu Xilka ka Tirsadey.

Sida aynu Wada ognahay, Waxa Taariikh madaw oo aan Waligeed hadheyn noqonqysa, in Wasiirka Isgaadhsiintu Noqonayo Ninkii u Horeeyay, Ee Taxaabay Seedigii oo ah Ninkii uu akala Wareegay Xilka uu hayo ee Golaha Xukuumada taas, oo uu ka Dhaxli doono Taariikh Madaw iyo Mid ugub ku ah Siyaasada Iyo Dhaqanka Soomaalida islamarkaana Magac Xumo iyo dhaxal Foolxun ku Noqon Doonta ubadkiisa, oo laga Yaabo In ay Saamayn ku Yeelato Guud ahaanba Qoyska, Sababtoo ah Soomaalidu Dhaqanka Milgaha iyo Xididka iyo Xigaalka Waxa ka yaala  Xeerar adag oo Taariikhda Mar Walba gala ha u badnaadeen Reeraha Dhaqanka iyo Nasabada ilaaliya, ee Laandheeraha ah sida Reerka Subeer Awal iyo Sacad Muuse ee ay Kasoo Wada jeedaan Wasiirka Isgaadhsiinta iyo Seedigiisa uu Xidhay Murashax Shucayb Maxamed Muuse, iyadoo Geesta Kalena, ay abuuri Doonto Cadaawad Fool xun oo Qoyska Gaadha, islamarkaana Saamayn iyo dhaxal xun ku Yeelata Caruurta labada dhinac.

Sikasta iyo Gees kasta, iyo Meel kasta oo la Eego Tani Waxey Barmadaw iyo Shaabad xun ku Noqonaysaa, Wasiirka, Waxaana lahadalhayay Maalmahan In Xukuumada iyo Komishanka iyo Xisbiyadaba ay Dhacdada Xadhigan Murashaxa Shucayb Maxamed Muuse si aad ah u hadalhayaan International Community ga Somaliland ka Taageera dhinaca Doorashooyinka taas oo iyaduna Sumcad u Kordhisay Murashaxa.

 

COMMENTS
LINKS