Sababaha Uu Uga Cabanayo Madaxweyne Muuse Golihiisa Wasiirada! W/Q;Maxamed Osman. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Sababaha Uu Uga Cabanayo Madaxweyne Muuse Golihiisa Wasiirada! W/Q;Maxamed Osman.
April 12, 2021 - Written by Editor:

Inta badan bulshada jamhuuriyada Somaliland waxay is waydinayaan waxa kalifay cabashada madaxweyne muuse uu ka cabanayo golihiisa wasiirada.

Inta badan dadka u dhuun daloola madaxtooyada jamhuuriyada Somaliland ee ka agdhow madaxweyne muuse waxay shegayaan in madaxweyne muuse uu ku qasaaray dhamaan wasiiradii uu magacaabay.

Madaxweyne muuse wuxuu ku haminayay inuu hello wasiiro leh karti, bulshada dhexdoodana saamayn ku leh, balse dhamaantood waxay noqdeen kuwa aan lahayn karti bulshada ay kazoo jedaana aysan saamayn ku lahayn.

Madaxweyne muuse wuxuu noqday madaxweyne ay is muteen bulshadii codka siisay, iyagoo u arka madaxweynihii ay doorteen mid bilaa abaal ah.

Madaxweyne muuse wuxuu xushay xubna wasiira ah, kuwasoon garanayn shaqada uu madaxweyne muuse ka doonayo.

Somaliland intii ay jirtay waxaa soo maray madaxweynayaal badan, waa markii u horeysay oo ay yimadan xubno wasiiro ah kuwasoo suuqa ka dhex leh weli musharaharkii nalooma soo dayn iyo oraahya badan oo ka dhex guuxaya afkana ka xadaya sida, xafiiska waan ku gaajonay oo dhinac walba waa laga handaraabay. Arimahaasina waxay sababeen hal abuur la’aan inay ka jirto golaha wasiirada markay shirayaan.

Madaxweyne muuse intaan la dooran wuxuu tartanka doorashada ku galay buuga labada midab leh , bugaasi ragii wax ka qoray markay arkan inuu baal maray madaxweyne muuse dhamantood waxay noqdeen in dalka iskaga tagta iyo in siyaasadaba iskaga baxday

Guntii iyo gunaanadka ka madaxweyne mustaqbal ahaan waxaan madaxweyne muuse usoo jeedinayaa inuu la yimaado aragti dheer oo dalkan lagu hor marin

ayo, wasiiradan aad fahmi la’dahay shaqadoodana aad cunaqabataynta ka dayso si ay u kasbadaan bulshadii ay kazoo jedan, si loo helo shacab tagersan madaxweyne muse

 

COMMENTS
LINKS