Xiisad Colaadeed Markale Ka Bilaabantay Deegaano katirsan Gobolka Sool | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xiisad Colaadeed Markale Ka Bilaabantay Deegaano katirsan Gobolka Sool
April 15, 2021 - Written by Editor:

Laascanood(W,N)-Inta la ogyahay 5 qof ayaa ku dhaawacmay xiisad colaadeed oo ka dhalatay ceelka Dhabar-dalool oo tuulada Holhol ka tirsan, kaas oo dhawrjeer oo hore murankiisa la xaliyay.

“Saaka ayaan warkan maqalay in ceelka laysku rasaaseeyey, waan tagnay waxaana ilaa hada wadnaa sidii aan colaada u hakin lahayn” sidaa waxa noo sheegay mid ka mid ah duqeyda degaanka Holhol ee gobolka Sool

Qaar ka mid ah labada dhinac ee beelaha muranku sababay dhibaatada ayaa waxa ay eedaynta dusha ka saarayaan ta kale in ay bilawday, waxaana jira xeer aad u adag oo arrimaha noocan ah labada beelood ugu heshiiyeen kaas oo lagu magcaabo xeerkii Adhi-cadeeye sida ay odayaal dhowr ahi ii xaqiijiyeen.

Dadka dhaawaca ah ayaa la sheegayaa in laba ka mid ah ay ku dhaawacmeen delleedka Laascaanood kadib markii dabley jidka u gashay oo rasaas huwiyeen iyagoo ku sii jeeda dhinaca goobta wax ka dheceen.

Dadkii dhaawucu soo gaadhey ayaa lagu dabiibayaa Laascaanood iyo Xuddun, waxaana la sheegayaa in badankooda dhaawacoodu aanu aad u cuslayn in kasta oo la sheegayo qaar liita.

COMMENTS
LINKS