Alle Ha,Unaxariistee Dr Maxamed Yuusuf Oo Ku Geeriyooday Shil Gaadhi Oo Caawa Ka Dhacay Deegaanka Agamsaha Ee Gobolka Gabiley. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Alle Ha,Unaxariistee Dr Maxamed Yuusuf Oo Ku Geeriyooday Shil Gaadhi Oo Caawa Ka Dhacay Deegaanka Agamsaha Ee Gobolka Gabiley.
May 7, 2021 - Written by Editor:

GABILEY(W,N)-Alle ha,Unxariistee Waxaa  caawa shil gaadhi oo ka dhacay deegaanka Agamsaha ee udhexeeya Arabsiyo iyo gabiley ku geeriyooday Marxuum Dr Maxamed Yuusuf oo kamid Ahaa dhakhaatiirta reer Somaliland ee ka hawgala Magaalooyinka gabiley Iyo Wajaale oo bulshada Uu ku dawayn jiray,

Sida ay noo sheegeen qaarkamid ah ehelada marxuumka ayaa sheegay in geerida marxuumka ay sobobtay gaadhi oo watay oo xaga danbe ka galay gaadhi kale oo wada dhexyaalay xili uu ku sii deeay magaalada gabiley kaasi oo deegaanka agamsaha ka dhacay caawa fiidkii

Marxuum Dr Maxamed Yuusuf Ayaa Kamid ahaa dhakhaatiirta faro ku tiriska ah eek u nool Gayiga Somaliland isagoo islamarkaana ahaa Dhakhtarka kaliya ee aan kazoo wareegi gobolka gabiley halkaasi oo uu ku dawayn jiray bulshada qaybaheeda kala duwan eek u nool gobolka gabiley

Sidoo kale Marxuum Dr Maxamed Yuusuf oo inka badan 40sano ahaa dhakhtar ayaa kamid ahaa shakhsiyaadka simutawacnimo ah ugu shaqeeya bulshada bukaanka ah xili kasta oo ay ubaahdaan isagoon sida dhakhaatiirta dalka looga bartay aan ku xidhi jirin dhaqaale badan iyo in goobta uu fadhiisto loogu keeno bukaanka balse wuxu ahaa dhakhtar marka aad ubaahato aad helayso isagoo bukaanka ugu tagi jiray guryahooga

Marxuum Dr Maxamed Yuusuf ayaa alle ha,unaxariistee ha tiir ka baxay bahda caafimaadka iyo u adeegida dadkiisa jilicdasan

Marxuumka ayaa maalinta bari ah lagu aasi doonaa magaalada hargasya gaar ahaan Xabaalaha Malowle ee galbeedka Hargaysa Saacadu marka ay tahay 10 Subaxnimo Hadii Alle yidhaa,

Waxaanu halkan tacsi tiiraanyo leh uga diraynaynaaGuud ahaan shacabka Somaliland qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxay Ilaahay dhamaanteed samir iyo iimaan haynaga siiyo marxuumkana su,aasha qabriga ha ufududeeyo fajanatul Fardowsa Aami Aamin

 

COMMENTS
LINKS