DAAWO;-Milicsiga Madaxwayne Biixi Shalay Siduu Udhaliili Jiray Xukuumadii Daahir Riyaale Iyo Aragtida Maanta Uu Ka Qabo Dhaliisha Ay Asxaabtu Usoo Jeediyaan. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
DAAWO;-Milicsiga Madaxwayne Biixi Shalay Siduu Udhaliili Jiray Xukuumadii Daahir Riyaale Iyo Aragtida Maanta Uu Ka Qabo Dhaliisha Ay Asxaabtu Usoo Jeediyaan.
May 21, 2021 - Written by Editor:

“Ninkaa Magaciisa Aad Soo Qaaday (Daahir Riyaale” Igadaa Goor Xun Lasoo Qaad, Hogaamintiisana Quus Baan Ka Taaganahay”Muuse Biixi.

HARGAYSA(W,N)-Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi Ayaa kamid ah siyaasiyiinta Somaliland kuwo ugu dhaliisha Badnaa xukuumadihii dalka soo maray madaxwaynayaashii hogaaminayay ,sida Cabdiraxmaan Tuur, cigaal Iyo daahir riyaale kuwaasi oo uu dhamaan ka horyimid isagoo  eedo culus ujeedin jiray.

Hadaba muuse biixi oo xiligii uu mucaaridka xisbiga kumilye katirsanaa waraysi lagala yeeshay xaalada hogaamineed ee madaxwayne daahir riyaale iyo khilaafyo siyaasadeed oo taagnaa mudo kordhinta  ayaa wuxuu gabi ahaanba diiday in uu madaxwayne daahir riyaale yidhaahdo isagoo wariyayaasha ka dalbaday in aanay ninkii waa “madaxwayne daahir riyaale e” aanay waydiin isagoo sheegay in isaga iyo xukuumadii xisbiga Udub aanay dalka dan ka lahayn markii horena ay ka maqnaayeen halgankii dalka lagu xoreeyey.

Dhanka kale madaxwyane biixi oo hada haya talada dalka ayaa xuskii 18may hadal uu ka jeediyay bulshada iyo syaasiyiinta asxaabta mucaaridka ka dalbaday in aanay haboonayn in tvyada laysku soo mariyo hadalo afgaalado kuwaasi oo uu sheegay in dadkiiba dalka ku naceen cayda iyo hadalada ka baxa tvyda

Hadaba waxaanu halkan idiinku soo gudbin doonaa sidii madaxwayne biixi lafjabka ahayd ee uu uweerari jiray madaxwayne daahir riyaale iyo maanta aragtida uu ka qabo wixii shalay la qurux badnaa

HALKAN KA DAAWO MADAXWANE BIIXI SHALAY IYO MAANTA;

 

COMMENTS
LINKS