“Muuse Biixi Ma Rumaysan Yahay In Uu Reer Gabiley Yahay, Marka Laga Reebo Abtirsiinta” Prof Meecaad. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Muuse Biixi Ma Rumaysan Yahay In Uu Reer Gabiley Yahay, Marka Laga Reebo Abtirsiinta” Prof Meecaad.
May 29, 2021 - Written by Editor:

Prof Ibraahim Meecaad Oo Dareen Celiyay Hadaladii Cabdiqaadir Jirde Ka Yidhi Gabile, Jawaabtii Cukuse Iyo Su,aalaha La Xidhiidha Gobolnimad Gabiley Ee Uu Waydiiyay Madaxwayne Biixi.

CANADA(W,N)-Prof Ibraahim Maxamed Meecaad Oo kamid ah Aqoonyahanka reer Somaliland eek u dhaqan dalka Canada Kana mid ahaa hormuudkii ururkii SNM Ee horseeday guusha Dib ulasoo noqoshada Madax Banaanida Somaliland ayaa ka Dareen celiyay hadalkii uu siyaasi cabdiqaadir jirde ku qiray Awooda Siyaasadeed ee ay leedahay iyo doorka looga baahan Yahay in ay ku yeelato hogaaminta dalka Ismarkaana aanay cid Gaar ahi sheegan isagoo siyasi cabdiqadir jirde ku bogaadiyay sida gobonimada leh Ee uu usheegay reer gabiley iyo doorkii ay ku lahaayeen halgankii dalka,

Sidoo kale Prof meecaad ayaa kajawaabay jawaabta uu hadalkii cabdiqaadir jirde ka bixiyay cabdilaahi Cukuse oo sheegay in reer gabiley doorteen madaxwayne reer gabiley ah oo uu ku sheegay in Madaxwayne biixi yahay reer gabiley ayna doorteen.

Dhanka kale Prof meecaad ayaa fariimo isbarkan udiray siyaasiyiinta reer gabiley iyo musharxiinta Sharaxan oo uu ugu baaqay in ay ka hadlaan qadiyada gobolnimada gabiley

Geeska kale Prof Meecaad ayaa madaxwayne biixi waydiiyay in Uu Rumaysan yahay in uu yahay reer gabiley oo ay maankiisa ku jirto Haduuse rumaysan yahay in uu yahay reer gabiley muxuu Xuquuqdeeda ka qabtay!!

HALKAN KAGA BOGO WARKAN OO FAAH FAAHSAN;

COMMENTS
LINKS