Talyaaniga Oo Ku Guuleystay Koobka Euro 2021 & Niyad-jabkii Ingiriiska Ee 55ka Sannadood Oo Wali Sii Socda! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Talyaaniga Oo Ku Guuleystay Koobka Euro 2021 & Niyad-jabkii Ingiriiska Ee 55ka Sannadood Oo Wali Sii Socda!
July 11, 2021 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Xulka qaranka Talyaaniga ayaa markiisii labaad ku guuleystay Koobka Euro 2020  iyagoo rikoodheyaal ku garaacay Ingiriiska oo taageereyaashiisii tobannaanka kun ahaa waxba u tari waayeen.

Talyaaniga ayaa ku dabbaal-degay garoonka Wembley ee Magaalada Londo iyagoo ku badiyey rikoodheyaal 3-2 ah, kulan ay ciyaartiisii caadiga ahayd kusoo dhamaatay 1-1.

Ingiriiska oo labadii rikoodhe ee hore dhaliyey ayaa saddexdii dambe iska khasaariyey, halka Talyaaniga oo laba rikoodhe laga qabtay ay saddex dhaliyeen, waxaanay sidaas ku qaadeen tartanka Euro 2020.

Talyaaniga ayaa koobkan hore ugu guuleystay hal oo mar oo kaliya oo ahayd sannadkii 1968kii oo laga joogo 52 sannadood, waxaanay guushan uga mahad-celinayaan goolhaye Donnarumma oo laba rikoodhe ka qabtay Jadon Sancho iyo Bukayo Saka, halka uu Marcus Rashford bannaanka mariyey.

Xulka qaranka England ayaa bilowgiiba ku aftaxay gool degdeg ah oo uu u dhaliyey Luke Shaw, kaas oo noqday goolkii ugu degdegga badnaa abid ee laga dhaliyo ciyaar final tartanka Euro ah.

Kubaddan waxa soo dhiibay Kieran Trippier oo dhinaca midig kasoo jabiyey, waxaana helay Shaw oo dhinaca bidix taagan oo darbo xooggan qabadsiiyey kubadda oo aan dhulka, waxaanay iyadoo gantaal ah gashay goolka, halkaasna waxa ku dabbaal-degay Ingiriiska.

Taageereyaasha garoonka fadhiyey oo tiradoodu 60,000 ka badnayd ayaa mar kaliya isla oogsaday, waxaanay qaarkood lasoo baxeen koob macmal ah oo loo ekaysiiyey midka Euro.

Qaybta hore oo ay Ingiriisku gacan sarreeyeen ayaa waxa uu Talyaanigu helay dhawr fursadood oo ay ugu dhowaadeen goolka England laakiin ma jirin halis weyn, waxaana si raaxo leh u nastay Gareth Southgate oo niyad-samaan badan ku qabay bandhigga ciyaartoydiisa.

Talyaaniga ayaa qaybtii labaad kusoo laabtay isagoo ka beddelan sidii qaybta hore, waxaanay si buuxda ula wareegeen gacan ku haynta ciyaarta, halka Ingiriiskuna dib u fadhiiisteen oo ay goolkooda difaacdaan.

Chiesa ayaa kubbad lasoo galay xerada ganaaxa isagoo dersin difaaca England ah dhex jiidhay, waxaana uu ku toogtay goolka, hase yeeshee Pickford ayaa dirti ku badbaadiyey.

Daqiiqaddii 67aad ayay Talyaanigu heleen goolka barbarraha waxaana u dhaliyey Bonucci oo lugta geliyey kubbad uu birta kasoo jaray Verratti, marka horena uu dedaal badan u sameeyey Chiellini oo hirdan uu la galay Maguire ay keentay in kubaddu tagto dhinaca Verratti.

Talyaaniga ayaa dabbaal-deg wareer ah sameeyey iyadoo uu Bonucci ku istaagay birta tarabuunka horteeda, halkaas oo ay kaga daba-tageen, kulana dabbaal-dageen.

Fursado badan ayay labada kooxoodba heleen waxaana ku badnaa Talyaaniga, hase yeeshee waxay 90kii daqiiqadood kusoo dhamaadeen 1-1. Sidoo kale, waqti dheeraad ah oo lagu daray ciyaarta ayaa iyaguna kusoo idlaaday natiijo la’aan.

Rikoodheyaasha

Belardi – Gool

Kane – Gool

Belotti – waa laga qabtay

Maguire – Gool

Bonucci – Gool

Rashford – wuu khasaariyey (birta ayuu ka jaray)

Bernardeschi – Gool

Sancho – waa laga qabtay

Jorginho – Waa laga qabtay

Sako – waa laga qabtay

Natiijada

Italy 3-2 England.

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

DIYAARIYE; XASAN KEEF KEEF

 

COMMENTS
LINKS