Gudoomiyaha Xisbiga Wadani Oo Tacsi Udiray Marxuum Muj/Ganacsade Maxamed Ciise (Musbaar) Oo Magaalada Hargaya Ku Geeriyooday. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Gudoomiyaha Xisbiga Wadani Oo Tacsi Udiray Marxuum Muj/Ganacsade Maxamed Ciise (Musbaar) Oo Magaalada Hargaya Ku Geeriyooday.
July 23, 2021 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Gudoomiyaha xisbiga Wadani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro)  ayaa Shacabka Somaliland iyo qoys iyo qaraabadii uu ka baxay Ka Tacsiyadeeyay Geerida Kutimid Alle Ha,Unaxariistee MARXUUM MUJ/GANACSADE MAXAMED CIISE CILMI(MUSBAAR) Oo Maanta ku geeriyooday magaalada Hargaysa oo uu mudo ujiifay xanuun Asiibay.

Sidoo kale Gudoomiye cirro ayaa ka hadlay doorkii Uu Marxuum Musbaar ku lahaa halgankii dib uxoraynta Somaliland iyo Dib udhiskii dalka. Isagoo ilaahay uga Baryay in uu samir iimaan ka siiyo qoyskii uu kabaxay Marxuumku ilaahay uga baryay in uu naxariis jano siiyo ,su,aasha qabrigana ufududeeyo.

“Waxa Aan Tacsi Tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, Ehelada, asxaabta, ganacsatada, Mujaahidiinta geerida Ku timid Alle ha u naxariistee Marxuum Mujaahid Maxamed Ciise Cilmi (Musbaar) oo ku geeriyooday Caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland ee Hargeysa.

Marxuumka, waxa aan Alle SWT uga baryayaa in uu dambigiisa dhaafo, Jannatul firdowsana ku abaal-mariyo, waxaa si weyn loo xasuustaa kaalintii uu ka soo qaatay dib u xorreynta iyo dib u dhiska dalkeenna, qoyskii, eheladii, asxaabtii, bahdii uu ka baxayna samir iyo iimaan saadaq ah ha innaga wada siiyo. Aamiin.

COMMENTS
LINKS