Ceebta Maanta Socota Waxa Ka sii Daran Cidhib-xumada Berri!W/Q;Maxamed Cirro. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Ceebta Maanta Socota Waxa Ka sii Daran Cidhib-xumada Berri!W/Q;Maxamed Cirro.
July 29, 2021 - Written by Editor:

Waxa muuqata simbiririxasho badan iyo ficilo fool-xun oo ay Xukuumadda KULMIYE iyo xisbiyada Mucaaridku (WADDANI iyo UCID) ku magac-dilayaan, sumcadda iyo karaamadana kaga ciyaarayaan mudanayaasha cusub ee Golaha Wakiillada Somaliland. Waa arrin sax ah oo aanu sharcigu diidayn in lagu loolamo doorashada xubnaha shirguddoonka, balse waxa khalad ah ficilada socda ee lagu kala jiidanayo xildhibaannada. Waxa khalad ah hab-dhaqanka ay durba la soo baxeen xildhibaannada guur-guuraya ee meeshii lagu ogaa maahee goob kale iska xaadirinaya, waxaanna suurtogal ah in taasi ay maanta guul yar oo gaaban siiso KULMIYE ama isbahaysiga mucaaridka, laakiin ceebtu waxay noqon doontaa mid daba socota oo aan ka hadhin xildhibaanka bilaa mawqifka ah.

Ficilada kale ee sawirka xun bixinaya waxa ka mid ah casuumadaha Xukuumadda KULMIYE iyo mucaaridku ay kolba hudheel si gaar ah ugu qabanayaan mudanayaasha taageersan oo qudha, taasina waxay noqon doontaa shaambad kala-qaybsanaan ah oo mustaqbalka saamayn ku yeelata 82 mudane ee Golaha Wakiillada.

Wixii tegay waa wax dhacay oo soo noqod ma leh, balse hadda ha la isdaba-qabateeyo oo bal ugu yaraan maalin qudha ha la qabto casuumad ay u wada dhan yihiin saddexda xisbi qaran oo goob qudha loogu qabto 82-ka mudane, si loogu muujiyo inay yihiin mudanayaal isku gole ah, isku magac ah oo ka wada tirsan gole la yidhaahdo Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland. Sidoo kale waxa sharaf ah in Xukuumadduna ay keligeed maalin wada casuunto 82-ka mudane inta ka horaysa doorashada shirguddoonka, si loo muujiyo in tartanku aanu dagaal iyo nacayb ahayn, cid kasta oo shirguddoonka ku guulaysatana lala wada shaqeeyo, iyadoo ay sidaana ku jirto danta Somaliland, midnimada ummadda iyo xaqiijinta yoolka guud.

Haddii Xukuumadda KULMIYE iyo mucaaridku casuumaddaas samayn waayaan waa in la helo acyaan kale iyo cid dhexdhexaad ah oo si gaar ah mar qudha u wada  casuunta, meelna isugu keenta 82-ka mudane ee Golaha Wakiillada.

ILAAHAY SIDA KHAYRKA LEH HA INA WAAFAJIYO.

QALINKII; Maxamed Cumar Cabdi (Cirro)

COMMENTS
LINKS