Golihii Xeer-Dejinta Ee Xeer-jajabka Lagu Bineeyey Kal-fadhigiisii Koowaad! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Golihii Xeer-Dejinta Ee Xeer-jajabka Lagu Bineeyey Kal-fadhigiisii Koowaad!
August 4, 2021 - Written by Editor:

(Waxa ayaan daro ah in golihii xeer dejinta uu kalfadhigiisii koowaad xeer jajab ku bilaabmay ).

Dalka jamhuuriyada Somaliland waxa uu leeyahay dastuur qaran oo qeexaya sida uu u dhacayo kalfadhiga koowaad ee Golaha wakiilada jamhuuriyada Somaliland waxaana si cad u sharaxaya Qodobka 44naad ee dastuurka jamhuuriyada Somaliland oo odhanaya ;

1;Golaha cusubi waxa uu qabsanayaa fadhigiisa ugu horeeya ( 30 ) maalmood gudahood oo ka bilaabmaysa maalinta lagu dhawaaqo go’aanada doorashada , waxaana isugu yeedhaya Madaxwaynaha jamhuuriyada Somaliland.

2;Hadii madaxweynuhu isugu yeedhi waayo Golaha ayaa u kulmaya iskii maalinta 45naad , laga bilaabo maalinta lagu dhawaaqo go’aamada doorasho .

3;Golaha Cusub waxaa furaya gudoomiyaha maxkamada sare oo dhaarinaya xubnaha , markaa waxaa gudoominaya shirka xubinta ugu da’da weyn ; waxaana goluhu iska dhex dooranayaa gudoomiyaha iyo labada Gudoomiye ku xigeen.

Haddaba halkani hadii uu noqdo xubinta ugu da’weyni murashax wax u diidaya iyo sharci iyo xeer lagu duri karaa midina ma jiro , sababta oo ah dooda dhinaca diidanaa Shirgudoonimada Faratoon waxa ay ku masaaleen in uu goluhu sida maxkamada yahay,  taasi oo aan waxba ka jirin oo goluhuna aanu maxkamad iyo dacwada tusaalaha loo soo qaatay meelna ka matelin hawshiisuna ay tahay hawl wadareed si wadajir ah loo qabto oo la wada leeyahay shirgudoonkuna uu leeyahay ku dhawaaqista waxa loo soo gudbiyo oo hab soo maray ( process).

Hadii xeer la waayey talaabada labaad waxa ay ahayd in loo noqdo curfigii dalku ku soo shaqeeyey oo hadii lagu qanci waayey shirgudoominta xubinta ugu da’da weyn oo murashax ah awgeed , waxa ay ahayd talaabada labaad in uu shirgudoonka Golaha wakiilada noqdo inta la dooranayo xubinta da’ ahaan ku soo xigtaa.

Golihii iyada oo aan nidaamkii sharciga la marin ayaa waxa af-duubay gudoomiyaha Guurtida oo la diyaar ahaa soo jeedin , waxaana uu yidhi gudoomiyaha maxkamada sare ha gudoomiyo Golaha , arinkaasi gudoomiyaha maxkamada sare wuu cadeeyey in aanay ahayn sharci oo waxa uu ina yidhi aniga shaqadeydii waxa ay ku eekayd intii hore , isna waxa uu dalbaday in gudoomiyaha Guurtida iyo Gudoomiyihii hore ee wakiiladu ay la gudoomiyaan shirka .

MAXAA QALDAMAY ?

1- Waxa shirgudoonka Golaha wakiilada lagu duray masalo aan sharci jideyn oo xal ah iyo soo jeedin.

2- Waxa laga booday talaabadii labaad ee loo noqon lahaa hadii sharciga iyo xeerarka dalka laga waayey qodob diidan shirgudoonka xubinta ugu da’da weyn , waxaana ay ahayd in lagu laabto maxaa lagu soo shaqeeyey oo curfi iyo dhaqan dalka u yaalay , lama yeelin.

3- Golaha waxa shirgudoomiyey Gudoomiyaha maxkamada sare ,Gudoomiyaha Golaha Guurtida iyo Gudoomiyihii hore ee wakiilada oo aan la garanayn sharciyada ay u adeegsadeen in ay kalfadhiga koowaad ee Golaha gudoomiyaan.

SOO JEEDIN ;

Waxa ayaan daro iyo foolxumo weyn inagu noqon doonta oo dalkana cidhib xumo u keeni doonta in golihii xeer-dejinta dalku ku bilaabmay oo loogu wanqalay  xeer jajab, soomaaliduna waxa ay ku maah-maahdaa hal xaaraan ahi nirig xalaal ah ma dhasho e , waa in  la yeelaa taladan si qaranku u noqdo mid sharcigu sareeyo.

Maadaama aynu nahay dal dastuur iyo xeerar leh , Isla markaana u sameystay in ay isku dhaqaan,  waxa aan soo jeedinayaa in doorashada Golaha wakiilada jamhuuriyada Somaliland ee shirgudoonka lagu celiyo si loo waafajiyo dastuurka dalka,  xeerarka ka farcama , Curfi iyo caadooyinkii hore loo soo adeegsaday.

QALINKI;Mohamed Abdi Jama “Mohamed Dhimbiil”

 

COMMENTS
LINKS