Talo-bixin Ku Saabsan Isku Shaandhaynta La-filaayo In Madaxweyne Biixi Golahiisa Xukuumada Ku Sameeyo. W/Q:-Ibraahim Aadan Aw Qoobey. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Talo-bixin Ku Saabsan Isku Shaandhaynta La-filaayo In Madaxweyne Biixi Golahiisa Xukuumada Ku Sameeyo. W/Q:-Ibraahim Aadan Aw Qoobey.
August 8, 2021 - Written by Editor:

Waxaan maanta halkan idinkula wadaagayaa dhawr qodob oo ku saabsan, Isku shaandhaynta dhawaanta la filaayo in Madaxwayne Muuse Biixi ku sameeyo golihiisa Xukuumada, taasi oo aan kula talin lahaa Madaxwaynaha sidan.

1;Madaxwayne qof kasta oo aad magacaabaysid waa inaad la kulantaa marka hore oo aad waydiisa xilka aad u magacaabaysid fahanka uu ka haysto iyo waxa uu ku soo kordhinaayo.

2;Madaxwayne waa inaad waydiisa qorshayaasha iyo barnaamijada wasaarada aad u magacaabaysid ee uu la hor tagaayo golaha wakiilada marka la ansixinaayo oo uu noqdaa wasiir aan kugu kalifin inaad u raadisid 42 xildhibaan codkood.

3;Madaxwayne waxaad maanka ku haysaa in dadkeenu ka daaleen nin xil loo magacaabo oo aan waxba ku soo kordhin balse ka mushahar qaata.

4;Madaxwayne isku shaandhaynta lagaa sugayo iyo Masuuliyiinta cusub ee aad xilka qaranka u dhibi doontaa waa in noqdaan ku awood iyo karti ba u leh xilka dalkana hore u wadi kara.

5;Sanadkaa kuu hadhay waxaa loo baahan yahay inuu noqdo sanad ka wax-qabad iyo hore-umar badan afartii sanadood ee hore.

6;Madaxwayne dalka iyo dadku ba waxay ka daaleen hebelo ku soo noqnoqda oo boqol jeer oo hore inta xilal loo dhiibay aan waxba ku soo kordhin waana siyaasiga markuu mudo bilaa xil noqdo halhays ka dhigta dalka sidan lagu sii eegan kari maayo si Madaxwaynuhu ugu yeedho oo xil ugu magacaabo waana siyaasiyiinta dalka iyo dadka kala qaybiyay dibu-dhaca na uugu wacan qarankeena.

6;Madaxwayne shacabka Jamhuuriyada Somaliland uma baahna mucaarid iyo muxaafid midna, uma baahna qolo, ma jiro qabiil dawladnimada wadi kara kalidii, mana jiro qabiil baahi gaara qaba, lkn waxay u baahan yihiin dawladnimo u adeegta  muwaadiniin daacad ah oo xilkooda gudan kara garanaaya oo fahmaaya baahidooda iyo sida wax loogu qaban karo.

7;Madaxwayne dadka Somaliland waxay u baahan yihiin dawladnimo ka dhamaystirta qaran-nimadooda, dawladnimo ku dhisan sharci lagu dhaqo muwaadinka isla markaana lagu hago leh siyaasad fulineed, mid lagu kor-joogteeyo iyo mid lagu la xisaabtamo.

8;Madaxwayne dadku wuxuu kaa sugayaa dawladnimo la jaan-qaada ama wax la qabsata caalamka, qaarada Africa, gobolka geeska Africa iyo isbadalada ka socda.

Ugu danbayn Madaxwayne isku shaandhaynta maanta waa inay noqotaa mid qaranku mahadiyo oo ujeedkeedu yahay sidii qarankan hore ugu socon lahaa.

Allaa Mahad leh

QALINKII; Ibraahim Aadan Aw Qoobey (Ibraahim dheere)

COMMENTS
LINKS