Hoombaro Libaaxbay Soo Wadaa! Qalinkii;Axmed C. Kaahin. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Hoombaro Libaaxbay Soo Wadaa! Qalinkii;Axmed C. Kaahin.
August 13, 2021 - Written by Editor:

Dhawaan waxa in qabsaday midhii iyo waxsoosaarkii xarunta hargaysa arrintadoodu ka taagan tahay ee kufsi, waxa ka wayn in quraanka iyo xadiiska si jeejees iyo dheel dheel canjilaad la socoto la inala soo horfadhiisto.

Waa wixii umadan halaaga u horseeday markii afwayne 1975 quraanka ku jeesjeesay, dadkii dhagaysanayay qaarna hadaad cajaladahaa dhagaysato sacabka u tumaayeen dhaxalkeediina markhaati uma baahna haddii baadilka laga aamuso oo la adeegsan waayo qaacidada wayn ee quraanka ah ugu yeedh waddada ilaahay. “Xikamda iyo waanao wanaagsan” inagoo taa ka duulayna waxaan leenahay walaasheen afartan qodob.

Marka koobaad walaasheen waxaan u soo jeedinaynaa in haddii ay ka ahayd aqoon la’aan diineed in loo nasteexeeyo, loona sheego dhaawaca diimeed ee ay leedahay hadalaldaasi. Iyo in quraanka iyo xadiiska lagu dheel dheelo

Haddi ay garanayso qofku wuu khaldami karaaye in ay dib isku saxdo walaasheen.

Haddii ay u kas iyo go’aan ka tahay in lala fadhiisto oo fahamsiin iyo lafagur looga dhaadhiciyo iyadoo laga qancinaayo doodeedeeda dhamaan wixii ay qabto si walaaltinimo leh.

Haddii ay diido waa in dawladu talaabo ka qaadaa ama maxkamadaha dacawd looga furaa waana mid iman doonta maalinteeda. Dalku sharci kala dambayn buu leeyhaye

 

Arrinta ugu culus ee waraysida walaasheen iiga soo baxay waxa weeyaan in ay quraanka iyo xadiiska si badheedha ugu jeesjeesayso markay sooqaadaynayso. Macnahooda macno aan ahayna saarayso. Dheel dheel dublamaasiyadaysan.

“Sida wuxuu iska odhanayaa aayad bay sheegaysaa” afar baa la ii baneeyay buu la soo boodayaa, “ nacdal baa kugu socota”  waliba canjilaad bay raacisay Xadiiskaa”.

Barigii Ingiriisku Joogay wuxuu diyaariyay jiil Afkaartooda Xambaara oo halkaa kasii wada Hayaanka loo rogay Maskax gumaysi si looga guuro dhinaca xooga. Sidaasi si la mida waxaan xasuustay Barigii jully Kelly inoo timid hargaysa taasi oo caan ku ah u ololaynta dadka sameeya liwaadka gabadheedu kamid tahay bulshadaasi liidata, haddaad taariikhdeeda akhrido jully waxaad yaabaysaa waxa kamida in maalintii ugu faraxada badaynad nolosheeda ay ahayd maalintii dal hebel sharciyeeyay liwaadka. Dad badan baa lahaa hoombaro libaax bay soo waddaa. Ayax tag eelna reeb waa tanoo kale.

Haddaba maanta waa ka daroo dibi dhal. Markii aad loo liqi waayay gabadhaa casharadii kelly waa lasoo badhxay, si loo fududeeyo loona liqi karo cid dabeecadeena taqaan oo si fufud kiniinka u bixin karta. In sadaro xadiisa sidaasi loogu dheel dheelo. Haddii galbeedka wax laga keenayo sidii jabaan yeeshay ee ay uga baratay samaynta baabuurta jermany may aqoon inooga keenaan intay xumaan huursan inagu mudayaan haddii ay wanaag waddaan.

Markaa hadda qaacidadii Gudin yahay baa  loo badlay sheekada in badhkeen badhka kale loo adeegsado. Waana hab farshaxan sare ah oo dad khubaro ahi daaha dabdiisa fadhiyaan kana hagayaaan markaad eegto tabaha sare ee ay adeegsanayaan. Khubaradaasi oo nus qarni arrimaha noocana lasoo tacaalay waadamo badan oo dunida ahna dhaqan dooriyay.

Markaa Mashruuca Maskax badalka iyo Mukhaadaraadka sii badanayaa ee dhalinta ama jiilka bari ku jihaysani waa dagaaal ummadan lagu soo qaaday markii si kale wax laga qaadi waayay dalkan iyo dadkiisa.

Ta kale inta gabadh karaamaysan maxay u xusi laayihiin ee dalka looga dhigayaa meel lagu ciqaabo dumarka.

Dumarkuna waa in ay doorkooda difaaca qaataan maanta waxay ina leeyihiin hooyooyinkeen waa la gumeeyay taasi miyay ina qabataa dumarow? Waa su’aal u taal dumarka. Mucduna waa in Dood la abuuro abuurana maanta

Dalkan iyo dadkani in ay calankaa tawxiidka leh helaan waxay u hureeen in ka baan 200,000 wax dhintay iyo wax ku naafoobay in ka badan 30 sanadoodna. la soo nabnabaayay. In caqiidada ummada la taabtaa way ka khatar badan tahay wax kasta oo dhibaato ah oo ummadi waajahdo.

Haddaba inta uu qof iska yimaado in uu caqiidadooda ku dheel dheelo iyo ciyaar ka dhigtaa maaha wax aayar iska dhacaaya waana dagaalada inagu socda. cid laga aqbalaaana ma jirto oo sharciga ka saraysa qofka diinta caaya lix bilood oo aan iib lahayn baa la xidhaa. ka inoo diblamaasiyadayana wuu qabanayaa sharcigaasi sidii doono suntan malab ha ugu walaaqee. Dhinaca kale Halka xashiishada iyo khamrigu marayaana waa la ogyahay. Dhaawaca caqiidada kasoo kabashadiisu way adagtahay waana jiritaankeena rasmiga ah if iyo aakhiraba. Calnkaa tawxiidka leh cadaw badan buu leeyhay.

Waa labbada maadooriye oo is xambaarsan mid caqiido weerar iyo mid caqli kharibid.

Dhaqan’ka dumarkaa lagu kaydiya :waayo hooyadaa ah gudbiyaha jiilasha soo socda siday u ee kaanayaa markaa dumarku in ay diintooda iyo dhaqankoodu dhawrsoonaato  geed ka go’an. waddamo badan oo dumarkoodu dhawrsoon yihiin waa kuwa la awoodi waayay in dhaqankooda la soo dhex galo. Xataa dadkoodii u haajiray qarniyaal waddamo fog fog, hadaad booqato waxaad moodaa in aad waddankoodii hooyo joogto halka dadyawgii kale ay milmeen qarniyaal ka hor. Waana qaaciido muhim ah Guri waa haween.

Dalka ay inantaasi ka timid kana dhigayso mid xariira oo xoriyada yaqaan, waa dalka kaliya ee ilaa hadda dhacdooyinka xadgudubka aadamaha kuwii ugu waawayntaa taarikhdan cusub loo diwaan galiyay, Adoonsigii dadka madayw, isir tirkii hindidii cascasayd, nurkiyeelkii lagu tuuray Jabaaan, wixii Ciraaq ka dhacay. Iyo caruurtii ay kaga tageen filibiin oo jiil dhan ah sida uu qoray Washington post. 2016

Taariikhda qoyan Harvey Weinstein mulkiilihii shiradaha filimada Hollywood soosaaraa waxa hadda uu u xidhan yahay waa in uu dhamaan hablaha shaqada soo doonta   uu mudo 25 sanadood ku dhaw shuruud shaqaalaysiin galmo adoonsi kula kacaayay hablaha yaryar ee leh hamiga in  ay shaqo ka helaan. haddii shaqo lagu siiyo ama dalacsiin ama caan in lagaa dhigo waa in aan doorataa adoonimo galmo oo joogto ah.

Haddii kale waddada cab weeye sheekadu waana fadeexada ugu waawayn ee dhawaanaha dhacay.Waxa ka sheekeeyay hablaha iyo xidigaha ugu caansan Hollywood in dhibtaasi adoonsi soo mareen.  Waana taariikh qoyan markaa ilbaxnimda la inoogu baaqayaa mataasaa qalbiga maraykan ka dhacaysa maalin kasta.

Ololahaas lagu kashifaayana wuxuu la magac baxay Me too . Markaa dhulkii mooraal duuga damiirka iyo dadnimada haweenkaa maanta inoo faanahaya. Ee taariikhda in la isla akhriyaa waa muhim maantana dunidu waa edeg kaliya. In gabadha galbeedka laga dhigay badeecad allaabta lagu xayaysiiyo ma xuriyada dumarkeena lala rabaa?.

Dalkaygan Somaliland waligii dumarkuu karaamayn jiray gabadhii xagtin la gaadhsiiyana waxa ka dhici jiray dagaalo lagu riiqdo si sharafta gabadha loo ilaaliyo taariikhdaana xustay. Markaa hal meera ah bay dunidu kuwada nooshahay. Buuq abuurku waa ciwaankoodu halkuu ka abraaro, sameeyeena

Waxa hadda jira shakhsiyaad qaranimadeena iyo dalkanba jiritaankiisa kasoo horjeeda haddana dhacdooyinka gudaheena food saar ka dhigta oo qadiyada booskeeda ka dhaqaajinaaya ujeedooyin u gaara awgeed. Kuwaasina waa dhibaato kale oo foojignaanteeda leh.

Waana In aan waraaqaha la isku walaaqin.Waxaan ku soo gababa gabaynaa in culimadu fidinta diinta sida madarasadihii iyo xalqadihii masaajidada la soo celiyaa ummadana diintooda la baraa oo dhalinyarta doonta ay saaran yihiin lalal soo fuulaa. Masaajidada laga dhigaa golayaal balaadhan oo furan oo si bilaasha dadka wax loogu baraa balse gole kale oo masaajidada ka baxsan waxa ka quman in golahaa masaajidka la xoojiyo.

aakaahin@yahoo.com

COMMENTS
LINKS