Golaha Wakiiladu Yaanu Ku Mashquulin Xeerar Mashaariic Iyo Ujeedooyin Kale Laga Leeyahay, Ee Kuwa Dawladnimada Muhiimka U Ah Waxwalba Haka Horeysiiyaan! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Golaha Wakiiladu Yaanu Ku Mashquulin Xeerar Mashaariic Iyo Ujeedooyin Kale Laga Leeyahay, Ee Kuwa Dawladnimada Muhiimka U Ah Waxwalba Haka Horeysiiyaan!
August 16, 2021 - Written by Editor:

Dalku marba marxalad buu marayaa , marba xaalad baa taagan Iyo duruufo gaar ah , oo waxa laga soo bilaabay xili nabadayn iyo dib u heshiisiin , xili hub ka dhigis , xili dawladnimo iyo dib u dhis haykal qaran , xili dastuur sameyn iyo dhamaan waxii uu qaran u baahnaa.

Halka maanta la marayo horumarinta , hagaajinta waxii hore loo soo sameeyey , ku darista waxyaabaha kooban ee inaga dhiman iyo in dariiqo loo jeexo barwaaqo iyo horumar waara oo ay dadkeenu gaadhaan , waxaana sal u noqonaya in aynu helno xeerar wax wada lahaansho , wadajir umadeed iyo waarida dawladnimada u ah sees oo ay ka mid yihiin ;

1;Xeerarka maalgashiga caalamiga ah .

2;Xeerarka sheegaya qaybsiga khayraadka dabiiciga ee dalka ka soo baxa iyo fursadaha waaweyn ee dhaqaale ee caalamka inagaga yimaada.

3;Xeerarka qiimeynta dib u eegista iyo Horumrinta gobolada iyo degmooyinka dalka xaga juqueaafiga , sharciga , maamul daadejinta iyo kobcinta haykalka qaran.

4;Xeerarka awood qaybsiga nidaamka dawladnimo maadaama aynu halkan ku soo gaadhnay xal iyo xeerar laga soo dheegay 1960kii.

Golaha wakiilada jamhuuriyada Somaliland waxa laga sugayaa wax badan oo ka wayn afarta qodob ee aan kor ku xusnay laakiin xiligani aad bay muhiim u yihiin sababo badan awgood oo kala ah ;

  1. b) Abuurida fursado shaqo iyo dhaqaale uu qaranku yeesho .

t)Sahlida deganaansho ,xasilooni iyo wax wada lahaansho .

j)Horumrinta gobolada iyo degmooyinka dalka.

x)Adkaynta wax wadalahaanshaha iyo is aaminka dadka jamhuuriyada Somaliland.

Waxa aan u soo jeedinayaa Golaha wakiilada jamhuuriyada Somaliland iyo gudoonkooga in marka Xeerarka noocan ahi la wadi in aan la siyaasadayn , la xisbiyeyn ee laga fekero saameynta ay yeelan doonaan 100 sanadood ee soo socda iyo sida aynu dadkeena dambe wado wanaagsan ugu jeexi lahayn .

QALINKII; Mohamed Abdi Jama

COMMENTS
LINKS