Taariikh Nololeedka Amb Cumar Dheere Safiirkii Hore Ee Somaliland U fadhiyey Jabuuti Iyo Itoobiya Oo Hargaysa Ku Geeriyooday! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Taariikh Nololeedka Amb Cumar Dheere Safiirkii Hore Ee Somaliland U fadhiyey Jabuuti Iyo Itoobiya Oo Hargaysa Ku Geeriyooday!
September 3, 2021 - Written by Editor:

Waxa Maanta Magaalada Hargeysa ku geeriyooday Alle Ha,unaxariistee safiirkii hore ee Somaliland u fadhiyayey Jabuuti iyo Itoobiya Ambassador Cumar Xaaji Maxamuud Cismaan (Cumar Dheere). Ee xukuumadihii Cigaal Iyo daahir Riyaale Oo galabta lagu aasay xabaalaha malowle ee galbeedka hargaysa.

Waxaan halkan hoose idinkula wadaagaynaa taariikhda safiirka oo kooban.

Amb Cumar Xaaji Maxamuud Cismaan “Cumar-Dheere” wuxu ku dhashay Tog-Wajaale 1948. Waxbarashadiisii hoose wuxu ku qaatay Wajaale, Tii dhexe wuxu ku qaatay Cammuud (Boorama), tii sarena wuxu ka qaatay dugsi sare oo ku yaalla Nairobi.  Cumar wuxu sidoo kale waxbarasho farsamada gacanta ah ka qaatay barnaamij uu maamuli jiray “Scottish Counsil-ka” oo xaruntiisu tahay cariga Ingiriiska.

Waxbarashadiisii heer jaamacadeed waxay u badnayd dhinaca maamulka iyo culuunta tiknoolojiga isaga oo sannadkii 1981 waxbarashada darajada koowaad ka qaatay  jaamacad Maraykanka ee University of Illinois Extension. Isla sannadahaa Cumar wuxu barnaamaajiyo waxbarasho oo ku saabsan hoggaaminta iyo wada-xaajoodka ka qaatay jaamacadda New Jersey City University. Sannadihii 90-naadkii waxbarashadiisa wuu sii watay, waxaanu culuumta farsamaynta iyo adeeg bixinta kombiyuutarrada ka bartay barnaamijka loo yaqaan NHD ee Abu Dhabi iyo mac-hadka Zenith Institute ee Imaaraadka Carabta.

Sannadihii 2002 ilaa 2004 Cumar wuxu ahaa Safiirka Somaliland u fadhiya Itoobiya. 1997 ilaa 2000 wuxu ahaa safiirka Somaliland u fadhiya Jabuuti. Sannadihii 1995 ilaa 1997 wuxu ka mid ahaa ururrada bulshada rayidka ah ee Somaliland isagoo sidoo kalena qayb weyn ka qaatay nabadayntii beelaha Somaliland iyo Shirweynihii dib loogu doortay Madaxweyne Cigaal.

1975 ilaa 1995 wuxu ahaa Madaxa Xidhiidhka Bulshada ee Sanduuqa Horumarinta ee Abu Dhabi “Abu Dhabi Fund for Development (ADFD)” isagoo muddadaas ka qayb-qaatay mashaariic horumarineed oo laga fuliyey Imaaraadka dhexdiisa iyo meelo kala duwan oo dunida ah. Muddadii uu Imaaraadka ku noolaa Ambassador Cumar wuxu sidoo kale ahaa isu-dubaridaha taakulayntii SNM ee qurbejoogga Imaaraadka. 1971 ilaa 1975 wuxu ahaa Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta ee Soomaaliya. Intii u dhaxaysay 1965 – 1968 wuxu ka tirsanaa Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Cumar Xaaji Maxamuud Alle ha u naxariisto jannooyinkiisana ha ugu deeqo.

COMMENTS
LINKS