WAJAALE NEWS

Sheekh Aadan-Siira Oo Ka Hadlay Shaqsiyaddii Marxuum Suldaan Cumar Sul Maxamed Sul Faarax Oo 40 Sanno Ay Saaxiib Ahaayeen!

HARGAYSA(W,N)-Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xirsi (Sheekh Aadan-Siira) oo ka mid ah Culimada waaweyn ee Somaliland waxa uu Tacsi Tiiraanyo leh u dirayaa, bahda dhaqanka, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehellada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Suldaan Faarax oo ku geeriyooday dalka Turkiga oo uu muddo xaalad Caafimaad awgeed halkaasi u joogay.

Sheekh Aadan oo ay muddo 40 sanadood ah saaxiibo isku dhaw ahaayeen ayaa waxa uu Suldaanka Geeriyooday ku sifeeyay inuu ahaa Nabad-doon door muhiim ah ka soo qaatay nabadayntii iyo dib u dhiskii Qaranka JSL, kana soo jeeda saldanad facweyn oo taariikh ma guurto ah ku leh Somaliland.

Sheekhu wuxuu Suldaanka Alle uga baryey inuu u naxariisto, bahda dhaqanka, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehellada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga  Jamhuuriyadda Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo,

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN.

 

Exit mobile version