WAJAALE NEWS

Gudoomiyaha Haayada Caymiska Oo Iska Difaacay Eedo Ay Usoo Jeediyay Ganacsatada Baabuurta.

Hargeysa(W,N)-Guddoomiyaha Hay’adaha Caymiska Somaliland Saleebaan Cawad Cali (Bukhaari) ayaa Ka jawaabay eedaha ay Usoo jeediyay ganacsatada gaadiiidka lasoo dega isagoo Sheegay in caymiskii baabuurta la joojiyay kadib markii qaar kamid ah baabuurlaydu ay cabasho muujiyeen.

Gudoomiye Bukhaari ayaa sheegay in ay hore ula heshiiyeen baabuurlayda mudo kahor isla markaana inta wixii ka danbeeyay ay ku jireen hirgalinta caymiska baabuurta.

“Sida cad 24 bishii 7aad ayaanu go’aanka soo saarnay bulshadu way ogayd, waanu u sababaynay, way ku qanceen, wixi ka danbeeyay waxaanu wadnay siduu u bilaabmi lahaa, waxa Alxamdulilaahi  ah in maanta uu ka bilaabmay caymiskii Dekedda Berbera gaadiidka kasoo dagaya iyo gadiidka galaya labadaba” ayuu yidhi Bukhaari.

Bukhaari ayaa intaa ku daray in baabuurlayda qaarkeed ay shalayba qaateen caymiska isla markaana maantana ay qaar kale u diyaar yihiin.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

 

Exit mobile version