Muuse Biixi Oo Wareejinaya Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE, Masuulka Uu U Xushay Inuu Xilka U Banneeyo, Qori-Isu-Dhiibka Reeraysan Iyo Saamaynta Siyaasadeed | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Muuse Biixi Oo Wareejinaya Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE, Masuulka Uu U Xushay Inuu Xilka U Banneeyo, Qori-Isu-Dhiibka Reeraysan Iyo Saamaynta Siyaasadeed
September 16, 2021 - Written by Editor:

Wararkii Ugu Dambeeyey Xaaladda Siyaasadeed Ee KULMIYE, Madaxweyne Muuse Biixi Oo U Taagan Mar Kale Doorashada Madaxtinimo Ee 2022 Iyo Masuulka Uu U Cugtay Qori-isu Dhiibka Jeegaamaysan Ee Xisbiga KULMIYE

Hargeysa(W,N)-Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, Ahna guddoomiyaha xisbiga talada dalka haya ee KULMIYE ayaa la xaqiijiyey in uu wax ka yar laba bilood kadib si rasmi ah u wareejinayo kusriga Guddoomiyenimada Xisbiga Muxaafidka ah ee KULMIYE oo uu xilkiisa hayay tan iyo markii Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo mansabkaasi uga horreeyey uu xilkaasi ku wareejiyey sannadkii 2010-kii.

Kadib muddo dhawr sano ah oo hadal haynta wareejinta kursiga Guddoomiyaha xisbiga Muxaafidka ah ee KULMIYE ay soo taagnayd ugu dambayn, Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi waxa ay wararka naga soo gaadhaya xisbigaasi tibaaxayaan in uu dabayaaqada sannadkan aan ku jirno ee 2021 uu Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE ku wareejin doono Wasiirkiisa Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Md. Maxamed Kaahin Axmed oo ay muddo dheer rafiiq ku soo ahaayeen dhinacyada siyaasadda iyo halgankii dib u xoraynta.

Ilo-wareedyo u dhuun daloola dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed ee xisiga KULMIYE waxa ay wargeyska FOORE si rasmi ah ugu xaqiijiyeen in Madaxweynuhu go’aan ku gaadhay in uu guddoomiyaha xisbiga KULMIYE ku wareejiyo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Md. Maxamed Kaahin Axmed oo sidoo kale ah Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee xisbigaasi KULMIYE.

Ilahan xog-ogaalka ahi waxa ay wargeyska Foore u sheegeen in Madaxweynuhu si rasmi ah isugu diyaarinayo tartanka muddo xileedkiisa labaad ee doorashada Madaxtooyada Somaliland oo la filayo in ay dalka ka qabsoonto dabayaaqada sannadka innagu soo aaddan ee 2022-ka haddii ay ku qabsoonto wakhtigeeda iyada oo muddo xileedka Madaxweynaha muddo sannad ah oo kali ahi uga hadhsan tahay.

Wararka la xidhiidha xaaladda wareejinta kursiga Guddoomiyaha KULMIYE waxa ay intaasi ku darayaan in Madaxweynuhu xilka guddoomiyaha xisbiga ku tirin doono Shirka 8aad ee Golaha dhexe ee KULMIYE oo la filayo in uu qabsoomo horraanta Bisha Diisambar ee innagu soo aaddan, Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Md. Maxamed Kaahin Axmed ayaa xisbiga sidaas kula wareegi doono isaga oo shirweynaha guud ee KULMIYE lagu ansixin doono wixii intaasi ka horreeyana noqon doona Guddoomiyaha ku meel-gaadhka ah ee xisbiga KULMIYE. Waxa kale oo shirka Golaha dhexe lagaga dhawaaqi doonaa Musharraxnimada Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo isu soo taagi doona doorashada Madaxtooyada.

Wareejinta mansabka Guddoomiye ee xisbiga KULMIYE ayaa saamayn weyn ku yeelan doonta xisbigan iyada oo siyaasiyiin, wax-garad iyo aqoonyahano badan oo isla beesha Wasiir Maxamed Kaahin Axmed ka soo jeeda oo saami ahaan la filayay in ay la wareegaan xisbigu sidaa kaga tagi doonaan taasi oo wiiqi doonta taageeradii xisbiga ee Beesha Bariga Burco xisbigan u hayeen.

COMMENTS
LINKS