Beesha Caalamka Oo War Ka Soo Saartey Khilaafka Cakiran Ee Udhexeeya Madaxweynaha Iyo Raysal Wasaaraha Somaliya. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Beesha Caalamka Oo War Ka Soo Saartey Khilaafka Cakiran Ee Udhexeeya Madaxweynaha Iyo Raysal Wasaaraha Somaliya.
September 17, 2021 - Written by Editor:

MUQDISHO(W,N)-Xubnaha Beesha Caalamka iyo Igad, itoobiya Amisom Iyo  hay’addaha daneeya arrimaha Soomaaliya ayaa War saxafadeed si wadajir ah Ka soo saaray khilaafka cakiran ee u dhaxeeya madaxweyne Farmaajo iyo Raysal wasaare Rooble.

War saxafadeedka ayaa beesha Caalamka waxay ku sheegeen iney walaac xoogan ka muujinayaan khilaafka sii xoogeysanaya ee u dhaxeeya madaxweynaha iyo Raysal wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya.

“Iyadoo dadka Soomalaiyeed ay xusayaan sannad-guuradii 1aad ee kasoo wareegtay Heshiiskii 17kii Sebteembar, ayaa saaxiibbada beesha caalamka* waxay aad uga walaacsanyihiin in khilaafka sii kordhaya ee u dhexeeya Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha uu wiiqi doono xasilloonida Soomaaliya isla markaana uu carqaladayn doono geeddi-socodka doorashada”ayaa lagu yiri warka kasoo baxay beesha Caalamka.

Qoraalka beesha Caalamka ayaa sidoo kale waxaa loogu baaqay madaxweynaha iyo Raysal wasaaraha iney ka shaqeeyaan sidii ay xal uga gaadhi lahaayeen khilaafka u dhaxeeya labadooda.

“Waxaan ku boorinaynaa Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha inay si degdeg ah u xalliyaan khilaafkooda, ayna ka fogaadaan isweydaarsiga qoraalada guud ee aan waxtarka u lahayn bulshada iyo ogeysiisyada hawlwadeennada, ayna dib diiradda u saaraan sidii loo soo gabagabayn lahaa doorashooyinkii waqtigooda dib uga dhacay iyadoo aan dib u dhac kale dhicin” ayaa lagu yiri qoraalka beesha Caalamka.

Ugu dambeyntii beesha Caalamka ayaa xustay Dadka Soomaaliyeed waxay u baahan yihiin oo ay mudan yihiin maamul dowladeed oo wax ku ool ah oo loo dhan yahay. Kala-qaybsanaanta socota iyo siyaasadeynta hadda socota waa halis wiiqi karta horumarka muhiimka ah ee lagu tallaabsaday.

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

 

COMMENTS
LINKS