Sidee Bay Somaliland Uga Bedbaadi Kartaa Colaadaha, Hirdanka Iyo Ged-gedoonka Siyaasadaha Ka Socda Gobolka Geeska Afrika? | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Sidee Bay Somaliland Uga Bedbaadi Kartaa Colaadaha, Hirdanka Iyo Ged-gedoonka Siyaasadaha Ka Socda Gobolka Geeska Afrika?
September 17, 2021 - Written by Editor:

Mandaqada Geeska Afrika, oo ay ka mid tahay Jam. Somaliland, Waa meel ay ku badan yihiin xasaradaha iyo colaadaha Hubaysan kuwaasoo salka ku haya nacayb xagga Isirka ah ama Mid Qoomiyadeed, Dhul-ballaadhsi, is-riix degaan iyo colaado ka dhasha muranka Siyaasadda iyo awood qaybsiga maamulka Dawliga ah.

Waqtigan xaadirka ah Geeska Afrika wuxuu ku jiraa marxalad aad u halis ah waxana ka socda isbedello xawli ku socda oo aan laga sii saadaalin karin halka ay ku dambayn doonaan, xag nabadgelyo, xag dhaqaale iyo xag isteraatijiyadeedba.

Xasilooni darrada iyo khataraha ka jira jaararkeena waxaynu tusaale cad u soo qaadan karnaa dagaallada lagu riiqmay ee haatan ka socda dalka Itoobiya.

HADDABA;

1)Marka la eego colaadaha iyo xasilooni darrada ka jirta Geeska Afrika iyo xaaladaha halista ah ee maalin walba sii kordhaya,

2)Marka aynu si mug leh u ognahay khataraha iyo saamaynta xagga nabadgelyada, xasiloonida, dhaqaalaha iyo horumarka bulshada ee ay arrimahani inagu yeelan karaan, dal ahaan iyo dad ahaanba;

BAL AYNU IS WEYDIINEE, Ma ina Anfacaysaa in Jam. Somaliland ARRIMAHA KA DHACAYA MANDAQADDA ay ka noqoto DAAWADE Aan cidina wax iskaga tirinin??!!  Somaliland ma ku sii jiri kartaa inay ahaato MA TIRSANE aan LA TABIN!!??

Xaqiiqada horteena taalla ee u baahan in aynu si dhab ah u wajahno waxa weeye: sida aynu haatan nahay iyo xaalada muuqasho la’aaneed ee uu dalkeenu ku jiro haba yaratee maaha mid ina anfacaysa. Maaha mid u adeegaysa danaha Amni, kuwa Dhaqaale iyo kuwa isteraatijiyadeed ee uu Qarankeenu leeyahay.

Waxaan aaminsanahay in Qaranka iyo Shacabka Jam. Somaliland ay ka bedbaadi karaan kana gaashaaman karaan khataraha iyo saamaynta ay inagu yeelan karaan colaadaha ka holcaya gobolka Geeska Afrika. Sidoo kale, Qaran ahaan waynu la jaan-qaadi karnaa, kana faa’iidaysan karnaa fursadaha inooga banaan Hirdanka iyo Ged-gedoonka Siyaasada Mandaqadda iyo Isbedellada ka socda guud ahaannba Caalamka.

LAAKIIN, WAA HADDII MAXAY LA SAMEEYO??!!..

Su’aalaha hal-xidhaalaha ah ee ummad ahaan ina horyaala waxa weeyi:

1.Sidee baynu uga gaashaaman karnaa ugana bedbaadi karnaa colaadaha ka holcaya gobolka Geeska Afrika?

2.Maxaa looga baahan yahay Xukuumadda haatan talada haysa iyo laamaha kale ee Qaranka Somaliland?

Jawaabta su’aalahan iyo arrimaha ummad ahaan ina horyaalla, waxa Xukuumadda la gudboon si aynu uga gaashaamano khataraha inagu xeeran ee sii kordhaya fadlan la soco, In Sha Allah, qormada 2-aad ee maqaalkan.

W/Q; Eng Xuseen Adan Cige (Deyr),

Mahadsanid,

 

COMMENTS
LINKS