Madaxwaynaha Jsl Oo Magacaabay Gudida Haayada Caymiska Qaranka Iyo Magacyada Xubnaha Uu Uxushay. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxwaynaha Jsl Oo Magacaabay Gudida Haayada Caymiska Qaranka Iyo Magacyada Xubnaha Uu Uxushay.
September 18, 2021 - Written by Editor:

Wareegto Madaxweyne: 18/09/2021

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-715/092021 ku Magacaabay  Guddida Hoggaaminta Siyaasadda Hay’adda Caymiska Qaranka.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

Wareegto Madaxweyne

MAGACAABID

Markaan Arkay:       Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobkiisa 90aad;

Markaan Arkay:       Xeerka Hay’adda Caymiska Qaranka, Xeer Lr. 92/2020, Qodobkiisa 9aad;

Markaan Arkay:       Muhiimadda Guddida Hoggaaminta Siyaasadda Hay’adda Caymiska Qaranku u Leedahay Dhismaha Hay’adda Caymiska;

Markaan Arkay:       Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;

Waxaan Go’aamiyey;

In laga bilaabo taariikhda maanta aan Guddida Hoggaaminta Siyaasadda Hay’adda Caymiska Qaranka u magacaabo masuuliyiinta hoos ku xusan:

1.Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda        Sacad Cali Shire – Guddoomiye.

  1. Guddoomiyaha Baanka Dhexe Cali Cabdillaahi Daahir – Xubin.

3.Guddoomiyaha Hay’adda Caymiska  Saleebaan Cawad Cali Bukhaari – Xubin.

4.Ururka Qareennada Somaliland Abuubakar Sh. Maxamud Cabdi – Xubin.

5.Dalladda Shirkadaha Caymiska   Maxamuud Nuur Ducaale – Xubin.

6.Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga         Jamaal Caydiid Ibraahim – Xubin.

7.Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta        Cabdiraxmaan Maxamed Cali – Xubin

ALLAA MAHAD LEH

 

Muuse Biixi Cabdi

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland

 

COMMENTS
LINKS