Diyaarada Air Arabia Oo Maanta Madaarka Cigaal Dib uga bilowday Duulimaadkii Ay Ku Iman jirtay! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Diyaarada Air Arabia Oo Maanta Madaarka Cigaal Dib uga bilowday Duulimaadkii Ay Ku Iman jirtay!
September 19, 2021 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Maareeyaha haayada duulista ,wasiirka biyaha iyo masuuliyiin kale oo katirsan xukuumada ayaa madaar cigaal kusoo dhaweeyay diyaarada air Arabia oo mudo aan Somaliland ku iman duulimaad kadib markii ay uhogaansantay amarkii maamulka somaliya kazoo baxay halka Somaliland dalka kaga joojisay duulimaadyadii ay ku iman jirtay,

waxay soo caga dhigatay maanta 1:00 duhurnimo 19/9/2021 garoonka Caalamiga ah ee Egal International Airport,

Waxaana halkaasi ku soo dhaweeyay saraakiisha Hay,adda Duulista oo uu horkacayo Maareeyaha Guud Cumar Sayid Cabdilaahi Wasiiro ka tirsan xukuumadda Somaliland xildhibaano iyo masuuliyiinta diyaarada Air Arabia.

COMMENTS
LINKS