Baaqa Golayaasha Iyo Baylah’tirka Magaalka.Tabintii:Axmed Cali Kaahin. Q/2aad. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Baaqa Golayaasha Iyo Baylah’tirka Magaalka.Tabintii:Axmed Cali Kaahin. Q/2aad.
October 1, 2021 - Written by Editor:

Baaqa Golayaasha iyo Baylah’tirka Magaalka.

Ajendaha Cusub ee Magaalayta (New Urban Agenda). unhabitat

Tabintii : Axmed Cali Kaahin. Urbanist  Q/2aad.

Xoojinta Bulshada Kuwa Jilicdasan.

Mab’da ahaan iyo nolol tayo leh, Dajinta qorshe lagu tayaynayo nolosha kuwa jilicsan oo ay ku jiraan reer magaalku lana socoto Qorshayn tayaysan. Waarida Bulsho baxsan waxa seeska u dhiga arrimahan marka la’la tacaalo soos socda sida ay sheegtay UNhabitat. .

  1. a) In la bixiyo adeegyo aas’aasiya oo waxtar leh baahida jirta gaar ahaan kuwa jilicdasan sida caruurta, dhalinyarda, dumarka iyo dadka waawayn oo fursada lasiiyo kana qaybqaataan jaangoynta qorshayaasha.

b)In dhalinyarta la siiyo aqoon iyo waxbarasho, xirfado iyo fursado shaqo.

  1. c) In dhamaan qorshayaasha lagu saleeyo, kala duwanaanshaha bulshada.

d)In awooda waxqabad sare loo qaado ee bulshada dhinaca wax soosaarida

e)Kor u qaadida iyo Nashqadaynta shabakado iskugu xidhan si wacan oo la isticmaali karo taasi oo ah wadooyin cagaaran oo tayo leh.

Qorshahani waxa uu dalbanayaa badqab, ka qayb qaadasho, goobo cagaaran iyo gaadiid la awoodo qiimaha  raacidiisaba gaar ahaan dadka jilicdasan in la kabo baabuurta dadwaynaha dhinacyo badan si. Waxa kale oo u qeexayaa u heelananaata u dhamaanshaha magaalayn waarta iyo kartida ka qaybqaadasho ee isku dhafan. Iyo dagaanaynta dadka.

Waxa kale oo uu hubiyaa in loo dhan yahay sinaan iyo waxbarasho tayo leh iyo in sare loo qaado fursada waxbarasho dhamaan gaar ahaan dadka jilicdasan.

2.Abuurida dhaqaale waara

Abuurida dhaqaale waara waa tiirka labbaad ee ku xiga Adeeg hufan qodobkani waxa uu xooga saarayaa, shaqo abuurid, Siyaasad qorshaysan, hanaan badalid, tayaynta shaqdada, horumarinta raasamaalka, iyo maalgalin.

Halka tiirkiisa labaadna ka hadlaayo tartan wax soosaar kaasi oo la samaynaayo kala duwaanaan warshadaynta, shuruuc casriga la socota, silsilada wax soosaar oo faaiido leh. Caasimadu waxay u baahan tahay in la qalabeeyo kaabayaal quman iyo adeeg bixin si loo taageero warshadaha jira iyo soo jiidasho hantida maalgashadtada meel kasta iyo iskaashi faaiido leh.

Dhaqaalaha waxa ugu horeeya ee lagu kobiyo waa shaqo abuur salna u tahay xirfad abuur taasina bulshadu u siman tahay helideeda iyo barashadeeda nooc kasta la iskuguna xidhaayo tuulooyinka miyiga iyo magaalada dhinaca kobcinta dhaqaalaha.

Dhoofinta iyo kharash garaynta kuma filnna si ay shaqo kobciso balse isticmaalka gaarka ahi wuxuun noqonayaa riixaha ugu wayn ee shaqo kobcineed. Waana in ay qorshaynta shaqada qayb ka yihiin daneeyayaasha halka hanaanka iyo hab badalida shaqada iyo nooca shaqada. Sidoo kale  shaqooyinka hoose waxay la mid yihiin sida shaqada sare oo kale horumarinteeda, waana meelaha dhaqaalaha xoogiisu ku tiirsan yahay kuna urursan yahay dhinaca wax soosaarka iyadoo la maal galinayo aaladaha casriga ah si loo suurto galiyo adeeg casriya oo degdeg ah.

Dhinaca kale waa in la abuuraa tartan quman oo wax soosaar iyo kala duwanaansho waxsoosaar lana abuuraa shuruuc la jaanqaada casrigan taasi oo dhaqaalaha xoojinaysa . Idamka Alle waxaa Xigi Q/3aad

Eray – Tabintii : Axmed Cali Kaahin Urbanist

aakaahin@yahoo.com

COMMENTS
LINKS