Madaxwaynaha Jsl Oo Tacsi Udiray Wasiirkii Hore Ee Waxbarashada Somaliland Marxuum Xasan Gadhwayne Oo Ku Geeriyooday Magaalada Hargaysa. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxwaynaha Jsl Oo Tacsi Udiray Wasiirkii Hore Ee Waxbarashada Somaliland Marxuum Xasan Gadhwayne Oo Ku Geeriyooday Magaalada Hargaysa.
October 3, 2021 - Written by Editor:

TACSI MADAXWEYNE: 03/10/2021

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, siyaasiyiinta, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland, ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Xasan Xaaji Maxamuud Warsame (Xasan Gadhweyne) oo ku geeriyooday galabta oo ay taariikhdu tahay 03/10/2021, Caasimada Somaliland ee Hargeysa.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey siyaasi ruugcadaaya oo ka baxay dalka iyo dadka, wakhtigiisa inta ugu badana u adeegay bulshadiisa oo uu masuuliyad qaran u soo hayey xilalka  badhasaabka Gobolka Saaxil, isla markaana ahaa maayarka Berbera xukuumaddii “AHU” Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal iyo wasiirkii waxbarashada ee xukuumaddii madaxweyne Daahir Rayaale kaahin, sidoo kale waxa uu xilal kala duwan ka soo qabtay dawladdii burburtay ee la isku odhan jiray Jamhuuriyaddii Soomaaliya wakhtigana waxa uu ka mid ahaa haldoorka Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxaanu Madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, siyaasiyiinta, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

ALLAA MAHAD LEH

Xafiiska Warbaahinta Madaxtooyada JSL.

 

COMMENTS
LINKS