Soomaalida Ethiopia Raysal-wasaare Abiy Ahmed Miyey La Fududaadeen..!! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Soomaalida Ethiopia Raysal-wasaare Abiy Ahmed Miyey La Fududaadeen..!!
October 11, 2021 - Written by Editor:

Maamulkii hore ee Ethiopia ee uu hogaaminayey xisbigii EPRDF Ee ay hogaanka u hayeen TPLF soomaalida Ethiopia dhib na waa ku hayey tacab badan na wuu galiyey uu ku abuurayo somali da’yar u badan oo Ethiopianimada ku dagaalanta.

Sababtu ma aheyn jacayl iyo wanaag la jecel yahay Soomaalida Ethiopia ee waxa ay ahayd cabsi iyo in soomaalidu yihiin cida kaliya ee hadii ay maamulkaa iska hor iman lahaayeen laga baqayey in ay Ethiopia u burburto sadex sababoodba;

1- Soomaalida oo ah dad dhiiran oo dagaal yahan ah .

2- Iyaga oo dhabarka ku haya 4 dal oo ay soomaali ku dhaqan yihiin.

3- Dhulka ay dagan yihiin oo dalka Ethiopia muhiim u ah marka la eego xaga istarajiyad goboleedka.

Arimahani waxa ay sababeen in ismaamulka Soomaalida Ethiopia la galiyo tamar badan iyo tacab xoog iyo aqoon ba leh si loogu saaro da’ yar soomaaliyeed oo Ethiopianimada aaminsan maadaama dadkii hore ee gobolkaasi aaminsanaayeen soomaalinimada ogaayeena in walaalahood ay dhabarka ku hayaan.

Cadaadis waliba oo jiray haddana dadka ku dhaqan deegaanka soomaalida Ethiopia si ka duwan qoomiyadaha kale ayey maamulkaasi uga faaideen marka laga reebo gobolka Tigray iyo dadkiisa oo heersare la gaadhsiiyey.

Haddaba xukuumada dalka Ethiopia hadda ka talisa ee uu hogaamiyo 45 jirka la yidhaahdo Abiy Ahmed ayaa markan labaad ee si rasmi ah loogu doortay talada 5 sano ee socota Ethiopia aad moodaa in uu soomaalidii aanu siin waxii ay u qalmayeen.

Dhinaca kale waxa uu taladii iyo maamulkii u badiyey qoomiyadaha candhada dhexe ee uu ka soo kala jeedo oo Oromo iyo Amharo ah , arinkaasi oo u eeg mid aan aad looga fiirsan ayuu ku talaabsaday.

Xiligani oo dalka Ethiopia cadaadis adagi dibada kaga socdo , waqooyiga dalkaasi Ethiopia na kacdoono iyo dagaalo ka jiraan ayaa aad moodaa in soomaalidana aanu siin mudnaantii ay lahayd arinkani oo ilduuf iyo khatar kale oo siyaasadeed ku noqon kara maamulka Abiy Ahmed.

Waxaana la isweydiinayaa Abiy Ahmed Ali soomaalida miyuu ku soo maqan yahay oo colaad buu ka qaatay , mise wuu u maqan yahay oo wax weyn buu u soo wadaa , iyada oo xiligani la is lahaa waliba waxa walaaloobi doona oo siya

QALINKII; MAHAMED CABDI JAAMAC DHIMBIIL.

COMMENTS
LINKS