Isgaadhsiinta Aqoon La,aantiisa Siyaasadeed Oo Fashilisay Sida Aanay Madaxweynaha Iyo Wasiiradiisu Isku Ogayn. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Isgaadhsiinta Aqoon La,aantiisa Siyaasadeed Oo Fashilisay Sida Aanay Madaxweynaha Iyo Wasiiradiisu Isku Ogayn.
October 11, 2021 - Written by Editor:

Dad badan Ayaa Aaminsan, In Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ay Saamayn Taban iyo Mid Toganba ku Yeelatay, Qaabkii uu usoo Xulay Xukuumadiisa mudo imika laga joogo Afar Sanadood, iyo Maalmo, Kadib Markii uu door biday, in uu Golaha Wasiirada u Qaato, siyaasiyiin aan Saamayn ku lahayn Deegaanada ay Kasoo, jeedaan oo u badnaa Golaha Xukuumada, kuwaas oo Qaarkoodns, ay Wax Ka Badeleen Casharadii iyo Duruustii ay ku Qaateen Huteelka Royal ee ku yaala Tuulada Abaarso ee Duleedka Galbeed Caasimada Hargeysa.

Waxaana Xusid, Muddan in Casharadaasi Saamayn ku Yeesheen Wasiiradii uu Magacaabay, Madaxweynuhu ee Ku Cusbaa Siyaasad, Maamul Dawladeed iyo Guud ahaanba(Systemka), Kuwaas oo uu Safka hore kaga Jirey Wasiirka Iagaadhsiinta Somaliland Cabdiwali Sheekh Cabdilaahi oo, ay isaga u Dheerayd, in aanu Xogogaal badannu aheyn Geedi Socodka Siyaasadeed ee Somaliland Soo Martey, maadaama uu intii ugu badnayd Wakhtigiisa Ku Sugnaa Dalka Suudaan oo uu uga Shaqeyn jirey Shirkada Dahabshiil.

Haddaba Magacaabistii Madaxweynuhu Kusoo Xushay Rag Badan, oo aan Ehel u ahayn Doorka Siyaasada iyo Fahamkeeda dhinaca Wanaagsan, Waa Sababta Madaxweyne Deegaan Kasta hor dhigtey Halxidhaalaha Inta ugu badan ee Ku Taageersanayd, Murashaxnimadiisii, 2017kii ay Maanta uga Gaws qabsadeen, Taageero Ay mar Labaad ku barbar joogsadaan, Damac Kale oo uu Leeyahay.

Sababta ay Halxidhaalaha ugu Noqotey Siyaasiyiin, Aqoonyahan, Waxgarad iyo Duqey, iyo Sida uu usoo Qaatay Shakhsiyaad, aan Ku Fiicanayn Siyaasadayo Doorka Uu Ku Leeyahey Khilaafka Golaha Deegaanka Gabiley oo Burbur Ku ah Taageerada Kulmiye

Wasiirka Isgaadhsiinta Somaliland ayaa, Mudoooyinkii u Dambeeyay, Qeyb ka ahaa Khilaafka Golaha Deegaanka Degmada Gabiley, taas oo ay la fajaceen Xildhibaanada Golaha Wakiilada Somaliland, ee kasoo jeeda Gabiley, oo iyagu Ku Xaqiiqsadey Kulankii Wasiirku Goobjooga ka ahaa, in Wasiirku Ka madhan Yahey Fahamka Doorka Siyaasadeed, iyo Sida Xisbiyadu ukala jiidanayaan Awooda Maamul, iyo Waliba (Sida dhalinyaro, aan Waayo arag aheyni Wasiirka Maskaxda uga haysato), oo ay uga leexinayaan, in uu isagu ilaaliyo Halka laga soo abaarayo Xukuumada uu Ka tirsan yahey.

Waxa uu Wasiirku Kamid Noqdey, In uu Hogaamiyo Xubnihii Xildhibaanada iyo Masuuliyiinta ahaa, ee Gabiley usoo gaadhay in ay Xogogaal ka Noqdaan Xudunta Khilaafkaasi Laakiin Markii la gudagalay, Dooda Xubnaha Xildhibaanada Golaha Deegaanka Gabiley, labada dhinacba, iyo Arimihii ay ka hadleen, Waxaa arrinta Soo dhex galey, kana Badheedhay Wasiirka Isgaadhsiinta Cabdiwali Sheekh Cabdilaahi, oo sheegay in Maayar Aamiin Lagu Badelo Xildhibaan Cabdirashiid Haybe, oo Xisbiyada Mucaaridka ah ee Waddani iyo Ucid Maayarka la doonayaan, Waxaanu Wasiirku Qiil ka dhigtey Cabdiwali in ay Isku Beel Kasoo jeedaan, Waana halka ay Xildhibaanadii afka qalaad iyo Fajac ku Noqotay.

Sikasta, oo ay Tahey, Waxa ay Dhacdadani Tilamaan.ka bixinaysaa in aan Habayaraatee, Madaxweyne Muuse Biixi ka Warhaynin Wasiiradiisa, iyo Masuuliyiinta Xilka ka haysa Xukuumadiisa iyadoo ku Xidhiidhsan Sababta ugu Weyn ee ay ka dhalatay Guuldarooyinka is daba jooga ah ee Xukuumadu Kala Kulantay Deegaano Badan, Waxey Tani Raad Weyn iyo fashilaad Taariikheed ku Noqonaysaa Hogaaminta Madaxweynaha iyo sida aanay, isu ogayn Wasiiradiisa, Ficilada Badheedhka ah ku Taageeraya Xisbiyada Mucaaridka ah, ee Hirdanka Siyaasadeed Udhexeeyo.

QALINKII; Xasan Cabdi Cabdilaahi

Hargeysa Somaliland

Email:-Hassan39@hotmail.com

COMMENTS
LINKS