Madaxwaynaha Jsl Oo Tacsi Udiray Marxuum Aw ciise Jaamac Qaalib Oo Ku Geeriyooday Gabiley. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxwaynaha Jsl Oo Tacsi Udiray Marxuum Aw ciise Jaamac Qaalib Oo Ku Geeriyooday Gabiley.
October 26, 2021 - Written by Editor:

TACSI MADAXWEYNE: 26/10/2021

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, Isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka Shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi Ah u dirayaa, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, Ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland, ee uu Ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Aw Ciise Jaamac Qaalib Oo ku geeriyooday galabta oo ay taariikhdu ahayd 26/10/2021, Magaalada Gabiley.

Waxaanu Madaxweynuhu marxuumka ku sifeeyey oday ka Baxay dalka iyo dadka door muhiimana ku lahaa nabadayntii Shacbiga Somaliland iyo dib u dhiskii dalka.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu Naxariistii janno ka waraabiyo, waxgaradka, waayeelka, Aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo Shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa Ka siiyo.

ALLAA MAHAD LEH

COMMENTS
LINKS