Madaxwaynaha Jsl Oo Tacsi Udiray Marxuum Yuusuf Xasan Xayd (Boodh-isleged) Oo Ku Geeriyooday Hargaysa. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxwaynaha Jsl Oo Tacsi Udiray Marxuum Yuusuf Xasan Xayd (Boodh-isleged) Oo Ku Geeriyooday Hargaysa.
October 29, 2021 - Written by Editor:

TACSI MADAXWEYNE

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland, ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Yuusuf Xasan Xayd (Boodh-isleged) oo ku geeriyooday Xalay oo ay taariikhdu ahayd 29/10/2021, Caasimada Somaliland ee Hargeysa.

Waxaanu Madaxweynuhu marxuumka ku sifeeyey oday ka baxay qaranka Somaliland, door muhiimana ku lahaa halgamadii kala duwanaa ee loo soo maray dadka iyo dalkaba, sidoo kalena kaalin weyn ka soo qaatay nabadayntii shacbiga Somaliland iyo dib u dhiskii dalka.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

ALLAA MAHAD LEH

 

 

COMMENTS
LINKS