WAJAALE NEWS

“Hadii Aduunyadu Somaliland Dulmiday, Somaliland Waxay Dulmiday Gobolnimada Gabiley”Prof Ibrahim Meecaad.

Prof  IBraahim Meecaad Oo Ka Xog Waramay Marxaladihii Ay Soo Martay Doonista Gobolnimada Gabiley Iyo Sida Ay Uhagradeen Madaxdii Soo Martay Somaliland!

“Waxa Iyaguna Xusid Mudan Shacbiga Gobolka Hawd Oo  Marka Lasoo Qaado Gabiley, Piont A ah, Halgankii Oo Iyagana La Dulmay”Prof Meecaad,

“Gabiley Waxaa Cadow U ah Kuwa Duudsiyay Meeqaamkeeda”Prof Meecaad.

CANADA(W,N)-Prof Ibraahim Maxamed Meecaad Oo kamid ah Aqoonyahan reer Somaliland ee ku Dhaqan dalka Canada kamid Ahaa haldoorkii qaybta laxaad kale ka qaatay halgankii dib Uxoraynta Jamhuuriyada Somaliland ee Dhaqdhaqaaqii SNM Ayaa ka hadlay xaalada Somaliland iyo caqabadaha ka Horgaan In Ay Hesho Aqoonsi Caalami ah iyo talaabooyinka loo baahan Yahay in ay qaadaan madaxda Somaliland.

Sidoo kale Prof Ibraahim Meecaad ayaa ka hadlay halka ay Kazoo bilaabantay doonista gobolnimada Gabiley oo kazoo Bilowday wakhtigii ay Somaliland iyo somaliya isku dawlada Ahaayeen.

Dhanka kale Prof Meecaad ayaa farta ku fiiqay sida ay Xukuumadihii kulmiye uhagradeen dhamaystirka Gobolnimada Gabiley iyo sida loo ansixiyay degmooyinkii A, Ahaa Ee gabiley isku mid ahaa sida Berbera Iyo laascanood Iyo hadalada wakhtigan ee masuuliyiinta xukuumada iyo kuwa maamulka gabiley.

Prof Ibraahim Meecaad ayaa sheegay in gobolka gabiley iyo Gobolka Hawd (Baligubadle) ay yihiin deegaanadii halganka buddhiga u ahaa Islamarkaana ay muhiim tahay in la dhamaystiro Gobolnimadooda,

HALKAN KAGA BOGO WARKAN OO FAAH FAAHSAN;

Exit mobile version