QISO:Toobada Iyo Dhimashada; Wixii Wacnaa Ee Aan Akhriyay Dr Jaasim. Q/1aad! Tabintii!-Axmed Cali Kaahin. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
QISO:Toobada Iyo Dhimashada; Wixii Wacnaa Ee Aan Akhriyay Dr Jaasim. Q/1aad! Tabintii!-Axmed Cali Kaahin.
November 15, 2021 - Written by Editor:

Nin ka mida dadkii reer Basra ugu caansanaa badnaa, baa soo Iibsaday gabdh adeegto ah lana yidhaa Xusni, oo ah kuwa Heesaha iyo maaweelada ku madadaaliya madaxda una Shu’shuba sharaabka iyo maandooriyaha khamriga taasi oo Qurux iyo ciyaar wanaag lagu yaqaanay. Wakhti wakhtiyada Kamida wuxuu usoo safray xagaa iyo magaaldiisii Basra isagoo Soo raacay doon  kooxdiisiina la socdaan.

Wax safarkii lagu sii jiraba gabalkii baa dumay oo habeen Gudcur bay noqotay, dabaylihiina way soo dhaceen, sidoodii Caadada u ahayd waxay qayb sadeen maandooriyihii xaaraantaa ahaa rakaabkii doonta saarnaa. Markaas ayuu ku yidhi gabadhii dhaantada u qaalbilsanayd na maqashii maa’dii iyo madaaaladii aan ku mirqaami jirnay iyo heesihii macaanaa, kuna ladhnaayeen durbaankii iyo darbuugadii sideedii bay bilawday heesihii iyo qoob ka ciyaarkii.

Meel koone ah waxa fadhiyo oo gidaarka ku naban nin dhalinyaro ah oo quraan akhrisanaya kana dheeraanaya fadhiga xun ee Allaaah Subxaanah lagu caasinaayo, waxa u soo dhawaaday ninkii gabadha lahaa…. Isagoo sirkhaansan buu ku yidhi ma maqashay wali wax taa ka wanaagsan isagoo heesaha ay qaadayso gabadhu jeeda? Wuxuu ugu jawaabay haa.

Markaas buu dib u jeleecay gabadhii kuna yidhi jooji, wiilkiina wuxuu ku yidhi keen waxaad hayso, oo na maqashii …. Wiilkii baa cod macaan wuxuu ku akhriyay aayadaha.

…“waxaad ku tidhaahdaa maalka aduunyo waa wax yar, aakhirana waxaa leh ka ilaahay ka baqa iyadoon wax’ba la iska dulmiyayn. Meelkasta oo aad joogtaana geeridu waydin haleeli, xataa haddaad qasriyo la’adkeeyay ku sugan tihiin”.

Aayadii baa qalbigii ninkii ku dhibicday, waanu miyir doorsoomay waxaanu ku tuuray koobkii khamriga ahaa biyaha. Waxaanu yidhi “waxaan qirayaa in intani ka khayr badan tahay taan dhagaysanaayay, iigu celi aayad kale.

Wiilkii baa yidhi:

“ku dhe waa xaq’- xaga rabbi ka ahaaday, ee kiinii doonaa ha rumeeyo kii kalena ha beeniyo waxaanu u diyaarinay kuwa dulmi falayaasha ah naar koobaysa goobtiina”…….wuu argagaxay,… wuxuu ku daadiyay dhamaan khamrigii bada, wuxuuna jajabiyay cuudkii ama kamankii, gabadhiina xorbaa tahay oo waan ku xoreeyay. Wuxuu galay koone doonta kamida waxaanu bilaabay in uu ku celeliyo tooba yaarabi Allow waan kuusoo noqday ee iga aqbal.

Waxoogaa markuu koonihiisii yaraa ku jiray ee qalbigiisii qoyay ayuu yidhi wiil-koow ma leeyahay anigoo kale qiil aan ku baxsado. Haa buu ku yidhi waa adiga iyo Allaaah yaa idin kala teedi kara hadaadnad dambiga ku sii jirin.

Markii uu arkay wiilkii sida uu qalbigii ninkii Allaah u jilciyay…. Una cabsaday jidhkiisiina u khusuucay, wuxuuna ku akhriyay aayad rajo galin ah.

“Adoomadayda  Aalle rumeeyaya ee ee naftooda ka gaabiyayaw ha ka quusanina naxariistayda, “Allaah dambiyada oo dhan wuu dhaafaa waana mid dambi dhaaf badan” wuxuu bilaabay in uu gariiro oo uu yidhaahdo “ waxaan qirayaa in Allaah dambi dhaafe naxariista yahay” ka dib wuu neefsaday neefsasho naftiiba ka raacday” sidaas-buuna ku geeriyooday ninkii.

Wuxuu yidhi mid ka mid ahaa rakaabkii Allaah baan ku dhaartee doontii waxay soo gaadhay Basra maalmo ka dib isagoon maydkiisii is badalin, neef xunina kasoo bixin.

Haddaba cidkasta oo xadkaha jiidha oo xadgudubta, ama gaabisa ha ku bushaaraysato  aayada “haddii aad ka joogsataan waa la idiin dhaafi wixii hore”

Bushaaro ka wayni ma jirto in todobaatan sanadood aad ilaahay oo caasido oo aad sekeno tidhaah Allwo tooba,  Allaahna kaaga dhaafo waa haddii aynu niyad dhaba uga toobad keeno taasina lagu xijaabto.  Dhinaca kale waxaan ku sii dari lahayn in qofka oo isla cajabiya cibaadadiisa uu ka fadli badan yahay qofka is canaananaya ee inyar sameeya ama aan samayn ee qalbigiisu olalaayo ka gaabinta cidbaada Allaah. Markaa waligaa qofna ha u dambi galin wax uu ku dambayn ma ogine xaalad kasta oo uu ku jiree, kaliya ka ducayso in Allaah aanu kaa dhigin kuwa xumaanta sameeya. Toobad keenkana Allaah ha inoo dhib yareeyo hana inaga aqbalo.

in Allaah toobada aqballaa waa balan qaad dhaba oo wayn. Allow na dhawr oo toobada naga aqbal.

Xigashao : Dr Jaasim Almadiicu. Tarbiyatu Awlaad.

HA HILMAAMIN XUSKA RABI.

COMMENTS
LINKS