Wasiir Cabdirashiid Ducaale Qambi Ma Reer Hagarnimo Ayuu Ku Xalinayaa Arimaha Buuhoodle?Mahamed Dhimbiil. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasiir Cabdirashiid Ducaale Qambi Ma Reer Hagarnimo Ayuu Ku Xalinayaa Arimaha Buuhoodle?Mahamed Dhimbiil.
November 22, 2021 - Written by Editor:

Xiligii Xukuumadii Maxamed Siyaad Barre hogaaminayey ayaa waxa jiray nin la odhan jiray aw yoonis Ducaale Fagaase oo reer Buuhoodle ahaa , waxa uu ahaa nin aabihii yahay raga aan cidi ka daba hadal deeganadaasi .

Ninkaasi waxa uu waxbarasho u tagey dalka masar oo uu soo bartay shareecada , waxa uu markii uu soo dhameystay uu ku hagaagay Axmed Saleebaan Dafle oo ahaa xubnihii taliskii Maxamed Siad Barre ugu tunka weynaa oo ay isku beel ka soo jeedeen yoonis Ducaale si uu ula baadi goobo shaqo .

Yoonis waxa laga soo dhigey garsoore maxkamada degmada buuhoodle oo gobolka togdheer hoos timaada , walow uu ahaa nin wax bartay hadana muu soo marin tababarkii shaqo iyo waayo aragnimadii ee toos buu u hawl galay oo degmadii uga shaqeeyey.

Barigaasi telefoon ma jirin e , galab ayuu taar ku soo dhacay Burco la leeyahay gudoomiyihii maxkamada buuhoodle ayaa nin toogtay , ilaa muqdisho ayuu gaadhay warkii waala isku yaac-yaacay oo yoonis baa la soo xidhay.

Markii maxkamada la saarayey ayaa la weydiiyey sidee ay wax u dhaceen gudoomiye yoonis oo adiga oo gudoomiyihii maxkamada ah aad falkaasi u geysatay oo kugu kalifay in aad xabad u adeegsato oo sharcigii gacantaada ku qaadato.

Waxa uu ku jawaabay;

Waxa la igu soo war galiyey in laba nin is dileen , oo dabadeedna diinta ku dhex caayeen magaalada, hadii aan ciidan direy oo idhi hala soo qabto oo la soo qabtay oo la ii keenay oo aan xukumay oo markii aan idhi waar hala xareeyo askartii iyo dadkii aniga uun ila yaabay oo  labadii nina iska baxeen , oo aan idhi waar qabta oo la qaban waayey , oo aan ku celiyey oo dhag la ii dhigi waayey , hadii aan aniga oo aw yoonis Ducaale Fagaase ah oo buuhoodle jooga aan reer hagarnimo wax kaga qabtay maxaan dhimay ?

Qiyaastii waxa lala yaabay nidaamkii sharci ee qofka dambi geysta loo marayey ma marin Yonis oo afka ayuun buu ka xukumay markii la horkeenay , dadkiina way yaabeen uun iyo askartii oo ay is yidhaahdeen waa maxay ninkani waalan ee gudoomiyaha la idiinka soo dhigey…!!!

Imika sheekadaasi oo Alle ha u naxariisto nin weyn oo aanu asxaab aheyn oo geeriyooday uu iiga sheekeeyey aan ku xasuustay waxa warbaahinta igaga soo baxay wasiirkii ciyaaraha jamhuuriyada Somaliland ee qaranka u qaabilsanaa barbaarinta da’ yarta oo hanjabaad ,reero , ciidamo iyo xaalado buuhoodle ka taagan kaga hadlaya dabadeedna waxaa igu soo dhacday dalku miyaanu lahayn wasiirka difaaca oo arinkaasi ka hadla mise Cabdirashiid ducaale qambi ayaa reer hagarnimo arinkaasi wax kaga qabanaya.

QALINKII; Mohamed Abdi Jama “Mohamed Dhimbiil”

 

COMMENTS
LINKS