Safarka Farmaajo Ee Qatar Xili Mad-Madaw Ka Taagan Yahay Doorashadii Aqalka Hoose . | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Safarka Farmaajo Ee Qatar Xili Mad-Madaw Ka Taagan Yahay Doorashadii Aqalka Hoose .
November 30, 2021 - Written by Editor:

Farmaajo iyo wafti uu hogaamiyo oo ay ku weheliyaan wasiirka ciyaaraha iyo wasiirka arimaha dibada iyo marwadiisu ayuu ku tagey dalka Qatar oo aad loogu soo dhaweeyey.

Ujeedada safarka ayaa lagu sheegay ka qaybgalka tartanka ciyaaraha carabta oo ay ka qayb galeen 6 dal oo xidhiidhka kubada cagta Africa ka tirsan iyo 10 xidhiidhka kubada cagta Asia ah oo socon doona 30 Nov ilaa 18 Dec .

Tartankan ayaa ujeedada laga leeyahay ay tahay muujinta sida ay Qatar diyaarka ugu tahay koobka aduunka ee lagu qabanayo dalkooda 2022.

Maanta ayuu la kulmay farmaajo Amiirka dalkaasi waxaana war saxaafadeed ka soo baxay xafiiska amiirka Qatar lagu sheegay in laga wada hadlay adkeynta xidhiidhka labada dal , in shaqaale soomaaliyeed fursad weyn oo shaqo ka helayaan tartanka koobka aduunka ee 2022 iyo mahadnaq farmaajo u jeediyey dawlada Qatar kaalinta adag ee ay kaga jirto dib u dhiska Somalia iyo taageerada ay la garab taagan tahay marwalba.

DAREENKA KU XEERAN XILIGANI DOORASHOOYINKA SAFARKA MADAXWAYNE FARMAAJO.

Qatar waxa ay ahayd saaxiibka koowaad iyo halka laga waday madaxweynaha Somalia ee ay mudadiisu dhamaatay Feb 8 2021 Maxamed Cabdilaahi Farmaajo , safarkiisani waxa la dareensan yahay in kaambayn doorasho iyo dhaqaale dabada ku hayo.

Dhowaan uun bay ahayd 5 Oct 2021 markii Qatar looga yeedhay Raisal wasaaraha Somalia Maxamed Xuseen Rooble oo ay siyaasada ku kala fogaadeen Madaxwayne Farmaajo waxaana aad moodaa intii xiligaasi ka dambaysay in khilaafkii hoos loo dhigey.

Waxa lagu jiraa xili la xulayey xubnaha aqalka hoose ee doorashada Somalia oo ay mucaaridku aad uga biyo diidsan yihiin qaabka wax u socdaan iyaga oo kulan la qaatay Raisal wasaaraha dhowaan la iskuna afgartay in waxii khaladaad ah la saxo.

KAALINTA QATAR EE SIYAASADA SOMALIA .

Qatar waxa ay noqotay dalka ugu saameynta badan siyaasada Somalia sidoi kale waxa ay tacab badan galisay dawlad dhiska soomaaliya , iyaga oo lagu eedeeyo in ay siyaasada Somalia faraha kula jiraan oo ay xataa saameyn ku leeyihiin hawlaha amniga iwm.

Arimahani waxa ay sahleen in uu noqdo dalka ugu saameynta badan , waxaa soo raaca Turkey oo ay wada socdaan Qatar , waxaa laga yaabaa in safarka Farmaajo ku joogo Qatar lagu soo qorsheynayo cida hogaanka u qaban doonta siyaasada soomaaliya 4 sanadood ee socota.

QATAR IYO SOMALILAND

Dalka Qatar oo aanay Jamhuuriyadda Somaliland siyaasiyan isku wanaagsanayn ayaa markii ugu horeysay taariikhda 1 May 2021 ergey arimaha dibada ah u soo direy jamhuuriyada Somaliland, waxa uu la Al-Qaxtani madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland 4 May 2021 .

Waxaa ay dawlada Qatar si weyn war murtiyeed ugu soo saartay in ergayga iyo madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland ka wada hadleen xidhiidhka labada dal , taasi oo u muuqata in Qatar ay badeshay halkii ay ka taagnayd siyaasada jamhuuriyadii Somalia ee kala noqotay jamhuuriyada Somaliland iyo Jamhuuriyada Federalka Somalia.

Dhinaca kale waxa xiligaasi soo baxday in ay suuragal tahay in dalka Qatar markii ugu horaysay uu isku dayo in wadahadallo u furro jamhuuriyada Somaliland iyo Jamhuuriyada Federalka Somalia , Qatar oo ah dalalka aduunka ugu horeeya dhex-dhexaadinta Geeska Africa na hore dawlado badan u wada hadashiiyey,  sida Erateria iyo Djibouti, Sudan,  Kenya iyo Somalia iwm.

QALINKII; Mohamed Abdi Jama (M. Dhimbiil)

COMMENTS
LINKS