Dabeecada Siyaasiyiinta Somaliland: Waa Maan Guracan Iyo Garasho Jaan!!. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dabeecada Siyaasiyiinta Somaliland: Waa Maan Guracan Iyo Garasho Jaan!!.
December 1, 2021 - Written by Editor:
Warning: Trying to access array offset on value of type null in /customers/c/e/3/wajaalenews.net/httpd.www/wp-content/plugins/really-simple-facebook-twitter-share-buttons/really-simple-facebook-twitter-share-buttons.php on line 318

(Falan-qeyn Madax-banaan)W/Q;Mustafe Saleebaan Cilmi.

Hal-qabsi:

Guushaada waa lala jiraa ee gees ha ka ahaanin,

Guddoon dhaceyna waa nacas ninkii gaar u faashadey,

Gobanimona waa quus ninkii gowska dhaafsadey,

Guri ba’ayna waa cadow ninkii raarta sii korey,

Inta maanku gaajeysan yahey, guuli waa weli………………….

Tixo ka mid ah Gabeygii Gudgude ee Gabyaa M. I. Warsame (Hadraawi) Maarso, 1990.

Haa siyaasada ayaa ah in xeelad, tab, iyo jirab joogto ah lagu wado oo si togan loo adeegsado balse marka ay qaloocato, murkucato midhaheedu waa qadaf laga dhaxlo hagar-daamo, huq, iyo ciil kuwaas oo ku gayeysiiya dibin-daabyo ay adag tahey in laga soo kabtaa! Hore ayey Soomaalidu u tiraabtey ‘Alif kaa qaloocdaa Al-baqruu ku dhibaa’ waxaa ka dhigan hagar-daamada iyo hungooyinka joogtada ah oo aynu kala kulmeyno dabeecadaha siyaasiyiinta ee guracan. Dabeecadaha siyaasiyiinteenu oo cahdigan aynu nool nahey u xuubsiibtey gebi ahaanba kuwo aan waxtar iyo hiil u laheyn hayaanka gobanimada ee ummadu hiigsaneynso! Waaba guluf, gelelef, daadifeyn, iyo in wax walba la dood la geliyo marka mucaarad loo faras fuushan yahey misn marka muxaafid la noqdo la xalaaleeyo inta la xaaraantimeeyey markii banaanka la joogey!!!!

La yaabkan ma aha mid si lama filaan ah inoola soo dersay balse waa mid marka horeba ay curashadiisu aheyd mid taban! Waagii bilowga gobanimo-doonka ee gumeysi la derirka ayaa farsamda keliya ee lagula tacaali karaayey gumeysiga aheyd in la ‘nacsiiyo’ dadka la joogiisa, la macaamilka, iyo isdhexgalka gumeysiga iyo inaga Soomaalida ah sababtu tahey caqiidada oo aynaan ka mideysneyn. Dhinaca kale waxaaba inagu yaraa fursadaha lagu sameyn karaayey qorshayaal culus, hufan, oo dhameystiran waana mid dhab ah in fursaduhu ay yar yihiin, oo ay adag tahey isla markaa xaaladu ay qalafsan tahey mar walba Oo isbedel dhameystiran ummadi u baahato!

Waxaa ku xigey cahdigii ay gobanimadu curdinka aheyd oo Ummadu la kowsatey jahawareer aan kala go’ laheyn, waayo, Aqoonta iyo khibrada aynu dowlanimada u laheyn oo aad Hooseeyey, qabyaalada oo sareysey, xadaarada iyo ilbanimada Oo qowmiyad ahaan aad u liidatey, iyo macnaha Dowladanimada oo inagu cusbaa misna gumeysigii la kiciyey Aanu ka fara fareyn la’ayn arrimaheena gudaha. Sowkii Gabyaa Timacada lahaa ‘Soomaalinamadii la qaley, qeyb kamaan gelin’ Isaga oo ujeedey sida loo hagardaameeyey gobanimadii Curdinta ee in la kobciyo, koriyo, oo la kaalmeeyo aheyd balse Loo kala dheereeyey sidii hal-la-qaley!!!! Waxaa uu cahdigan Noqdey mid qof walba oo Soomaali ah oo caqli saliim leh ku Ridey ‘qaadan waa iyo anfariir’

Cahdigii ay ciidamadu qabsadeen talada dalka labadii gobol ee midoobey ayaa isna uga sii darey oo uur-ku-taalo aan daaweyn laheyn geyeysiiyey laguna kala irdhoobey! Waaba cuddud ciidan oo dhameystiran oo kuwii in ay cadowga ay ka difaan aheyd oo loo adeesadey!! Waaba burbur dhinac walba leh oo Ummada ku habsadey!!!!

Dib-u-yagleelkii gobanimada ee Jamhuuriyadda Somaliland Waxaa uu dhaxley hagar-daamo mug leh oo marxaladahaas kala duwan ka dhashey. Isu-imaanshihii shirkii Burco ee deg-Dega ahaa waxaa uu horseed ka noqdey nabad taam ah balse Aan dibin-daabyo la’ayn illaa haddeer oo soddon sanno ay cimri Tirsatey, iyo isfaham asaasi ah oo ummada dhexmarey. Saddex Qodob ayaa gundhig u ahaa guusha shirkaa ayeynu odhan karnaa:-

B.Debcinta habka ‘talo-wadaag’ ee uu maamulkii SNM sameeyey.

T.Doorka cullimada diinta iyo hogaanka dhaqanka oo fursad weyn la siiyey.

J.Iyo in laga bed-qabey faro-gelin shisheeye illaa haddeer soddon sanno ka dib.

Haddaba, soddon sanno ka dib iyo shan madax-weyne iyo ku-xigeenadooda oo isbedelay, waxaa la deris ah dibin-daabyo badan oo taban oo weli ay yar tahey inta isu xeydey wax-ka-bedel balse aan la inkiri karin dedaalkooda. Waaba sida iyo habkii guracnaa ee ay ku curatey ‘Farasamada nacsiinta’. Waa in uu mid walba oo saarka damaca oo dhinaca debada ka jilayaa adeesado isla markaa gulufka aanu u kala saarin illaa inta uu ka gaadhayo ujeedkiisa talo-doonka ah!!!! Su’aalaha isweydiinta mudan ayaa ah in aaney jirin dhaqan ahaan, caado ahaan, iyo ficil ahaana, oo baahi weyn loo qabo ummad ahaan curinta, shiribka fikirka, siyaasad dhameystiran oo hogaamin togan lagu ladhey?

Gunnaanadka doodeyda, debcigaa guracan ayaa waxaa uu ka dhigey saaxada siyaasada mid uugaankeedu aanu kala go’in, joogsan, oo aan wakhti odoros oo u gaar ah aan laheyn! Malo kasta iyo midho walba waaba maalinba dhinaca uu ka joogo jilaayaasha masraxu iyo sida la inoogu laqimaayo in masrixiyadoodu ay tahey mida keliya ee sax ah, quman, oo lama dhaafaan ah! Shaley wax walba oo ay xaaraantimeeyeen maanta waa xalaal, waayo, malahoodii ayaa u meel marey! Bal dhugoo imisaa xujooyin si weyn la inoogu laqimey misna waaga dambe ayada oo la daadifeynaayo aynu arragnaa???? Waa maalinle, toddobaadle, bile, sannadle aan mar keliya laheyn Nasasho! Ummadu wey rafaadey. Waaba hal-heyskii Soomaaliyeed ee ahaa ‘Reer ba’oow yaa ku leh’!!!!. Mashquulkan waxaa uu naafeeyey shaqo-maalmeedkii Ummada la gudboonaa! Waaba afar saacadood oo or, qeylo, Iyo hudheelo la buuxiyo ah misna TVyo loo yeedho oo ninba Inta uu doono hadlo, waxa uu doono ku hadlo weeerar iyo Weerar-celis maxsuulkuna waa ‘ Dib u soco, hore u soco, maxaa Daal la korodhsadey’ aan laga xisaabtamin!

Gebo-gabadii, maxaa aynu u naqaan ummad ahaan ‘Muxaafid iyo mucaarid’? Keliya ninba dhinaca uu ka fadhiyo ayey ku xidhan tahey! Maba jirto arragti shiilan oo la kala dooran karo oo ay ku kala duwan yihiin’muxaafid iyo mucaarid’ aan ka aheyn awood raadis lagu takri-falo ninba sida uu rabo!!!! Si kooban haddiiba aynu u tiraabno ‘Waa maan guracan iyo garasho jaan’!!!!!!!!

Qalinka:-Mustafe Suleymaan Cilmi,

Hargeysa, Somaliland.

Cell phone:00252 (0)634137470 (Telesom)

Email:mustafe72@gmail.com

COMMENTS
LINKS