Madaxwaynaha Jsl Oo Taliyaha Ciidanka Booliska Ka Tacsiyadeeyay Geerida Ku Timid Hooyadii. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxwaynaha Jsl Oo Taliyaha Ciidanka Booliska Ka Tacsiyadeeyay Geerida Ku Timid Hooyadii.
December 10, 2021 - Written by Editor:

TACSI MADAXWEYNE: 10/12/2021

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland, ee ay ka baxday Alle ha u naxariistee Marxuumad Dahabo Guuleed Wacays oo ku geeriyooday saaka oo ay taariikhdu ahayd 10/12/2021, Caasimada Somaliland ee Hargeysa. Waxaanu madaxweynuhu si gaara uga tacsiyadaynayaa geeridaa Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sareeye Guuto Maxamed Aadan Saqadhi (Dabagale) oo ay marxuumadu hooyadii ahayd.

Waxaanu Madaxweynuhu marxuumada ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee ay ka baxdayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

ALLAA MAHAD LEH

 

COMMENTS
LINKS