Sidee Loo Xalin Karraa Mushkiladaha Xaga Nabedgalayada Ee Ka Dhaca Golaha Wakiilada Iyo Kuwa Noocooda Ah? | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Sidee Loo Xalin Karraa Mushkiladaha Xaga Nabedgalayada Ee Ka Dhaca Golaha Wakiilada Iyo Kuwa Noocooda Ah?
December 13, 2021 - Written by Editor:

Annigoo Kamid ah Aqoonyahanka Somaliland, Magacayguna Yahey! Maxamed Xuseen Qaalib, oo Mudo badan Waayo Aragnimo, iyo Aqoon Dheeraad ah kusoo Qaatey, kana soo Shaqeeyay dhinaca Securityga Wadanka Jarmalka lana soo Shaqeeyay United Nation ka.

Wixii ka dhacay Maanta Xarunta Golaha Wakiikada Somaliland Arinkaas oo sharaf dhac ku ah Qaranimada Somaliland waxaa loo baahanyahay, in ay Aqoon dheeraad ah iyo Tababaro joogto ah Qaataan Ragga Ka Wakiilka ah Shacabku, ee Mudanayaasha lasoo Doortey, Sababtoo ah Wax badan ayaa khaldanaanay haddii ay Fahamka ku Yaraadaan, Xildhibaanadu, oo aanay Wax badan ilaalin waa in la Helo Xeer Qabta marka ay sameeyaan Fool xumadan oo kale waxa ay matalaan Qaranka Somaliland oo Dhan waxa ay kasoo baxeen Xisbiyo Qaran inay sharafta Qarankan ilaaliyaan weeyi

Ceeb bay inagu Tahay in Xildhibaanadeenii Tv yada Caalamka laga Daawado iyagoo is Baacsanaya.

Sidoo Kale, Waxaa iyaguna Tababarka mid lamid ah u baahan in loo Sameeyo Ilaalada Ciidamada Booliska Somaliland ee Xarunta Golaha Wakiilada iyo Guud ahaanba Kaamboolka Labada Aqal ee Baarlamanka Somaliland (Guurtida iyo Wakiilada), Waxaa jira siyaabooyin badan oo lagaga Hortago Marka Arimo Noocan oo Kale ahi Yimaadaan.

Sidoo kale, Waxaa iyana Khalad in Haddii Xaaladu Faraha ka baxdo, ay Ciidamadu isticmaalaan, Rasaasta, inkastoo Khalad ay aheyd in Xildhibaanada Qaar Kamid ah oo Jaahiliin ahi ay Askarta Gacan ula Tagaan oo Dhirbaaxaan, Waxaa Wadanka ka jooga Safaarado, Dublamaasiyiin Caalamai ah iyo Wufuud kale oo Internationalka ka Socda Sidaa daraadeed Ma Wanaagsanna, in Arimaha Kuwan oo Kale ahi, inaku Soo Noq noqdaan Rasaas Dhacaysana la maqlo.

Geesta Kale, Warbaahinta laf ahaanteeda, ayaa iyaduna u baahan in Arimaha Qaarkood, aanay Baahintooda u Waajahin, Kuwa Ceebaha Gudaha ah, iyadoo ay Jiryo in Warbaahiniba Ta kale, ka Xigsanayso, in ay Shacabka iyo Bulshada u baahiso, inta Xasaasiga ah, waa in Shacab iyo Madxdaba loo arkaa taa Sharaf dhac Wayn si looga Joogsado Marka Dambe,Waxaa Ceeb Noqonaysa, in Bulshadeenu xiiseeyaan Daawashada noocaas ah.

Xubnaha Lasoo Doortey ee Xildhibaanada Golaha Wakiilada, qaarkood inta aynu Aragnay hadda in badan Waxaa Ceeb ku ah inay u dhaqmaan sida Ciyaalka Waa, inn ay Baratakoolka iyo Nidaamka iyo Anshaxa, iyo Xasaanadda ilaaliyaan, iyadoo ay Somaliland Maraaxilkan Xasaasiga ah u baahan Tahey in Mudanayaashu helaan Tababar Caalami ah sida oo Ku Xidhiidhsan Ilaalinta Anshaxa, iyo Xasaanadda, iyo Waliba Nidaamka oo aan Xadgudub, Awood ah Loo isticmaalin .

W/Q;-Ambassador Mohamed Husein.

COMMENTS
LINKS