Guuldarada Xisbiga Kulmiye Iyo Jahawareerka Xukuumada! W/Q; Maxamed Cumar Cabdi. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Guuldarada Xisbiga Kulmiye Iyo Jahawareerka Xukuumada! W/Q; Maxamed Cumar Cabdi.
December 14, 2021 - Written by Editor:

“Go’Aankasta Oo Maanta Xisbiga Kulmiye Qaato, Waa Guul Darro, Guuldaradiisana Isagaa Gacantiisa Ku Abuuratey”Aqoonyahan Maxamed Cumar

Xukumada Afar sano Jirsatey ee Xisbiga Kulmiye marka laga Tago wax qabadka looga fadhiyay iyo kuwa ay baraha Bulshadda ay ku faafiyaan waxa aan jeclaystey in aan dhinaca kale la wadaago bulshadda dib u dhacyada qarsoon ee aan Marna  daraasad lagu samaynin, taas oo  bar madow  Dawladnimadeena iyo qarankeenaba ku ah una baahan xalal siyaasiya oo bisayl leh, bulshaduna waxay tabaysaa aragti gun dheer oo hogaamin aragti ka dheer xisbinimo ku qotanta.

Ismaan-dhaafka iyo Saluuga Siyaasadeed ee shacabka ee ku wajahan qaabka hogamineed ee madexwaynaha oo shacabku Aad u dhaliilayo taasi oo ay muujiyeen in isbadal aragti Hogaamiye cusub la filaayay balse maanta is badal kale daruuri yahay, kaasi oo wax ka qaban kara Rajada Shacabku filayayeen muddo dheer si looga baxo duruufaha murugsan ee siyaasadeed, dhaqaale. Iyo bulshadaba.

Cadaadiska, Cadaalad darada, Eexda, Qaraabo – kiilka, iyo Dulmi Dhamaantii waxay soo dedejiyaan cimriga Xukumad kasta in uu soo gaabto guud ahaanba dunida oo dhan ka jirta ama soo martay. Halka cadaaladu ilaaliso jiritaanka iyo sharafta dawladnimo waarta oo lagu soo hirto, waana sune Rabbaaniya.

Sicir Bararka maalin walba kordhaya, Xakameyn la’aanta Xukumadda waxay saameyn wayn ku yeelatay nolosha Danyarta Somaliland oo markii hore ay noloshoodu aad u liidatay, taasi oo sababtay burbur dhaqaale oo laxaadleh.

Qodobada aan is leeyahay Madaxweyne Biixi way hoos martay, Isla markaana dadku faham hoose u yeeshaan  waxa ka mid ah.

1;Nidaamkii Qabyaalda oo dadka dhexe ee wax doortaa ay ka koreen.

2;Dadkii doorashadii codeeyay 2017 oo is badal wayni ka Muuqdo marka la barbardhigo doorashadii 2020 ee isku Sidkanayd taasi oo markasta jiilka soo korayaa ay ka madhan Yihiin harawsi badan oo bulshadan hagardaamiyay. Taasi oo taageerayaal badani diyaar u ahayn mar danbe sida; (Haldoorkii, Ganacsatadii,  Siyaasiintii, Jeegantii oo meesha ka baxday).

3;Labadii Doorasho ee isku sidkanaa  Natijadii ka dhalatey iyo guuldaradii ku habsatey Kulmiye oo cashar gun dheer u ah dhamaan xisbiyada.

4;Inta Xilalka Xukumadda ka haysa oo aan Niyad ahaan ula socan wakhtigani kala guurka ah.

5;Isbedelada Togane ee Waddani ka dhacay oo afkala-qaad ku Noqotay Kulmiye. Waana sababta keentey go’ aanada deg dega Ee jahawareerka siyaasadeed ka muuqda hurdana u diiday Madexwaynaha siina xumaysay xaalada talo xumayaasha ku xeeran ee mashaariic quutayaasha ah.

6;Jahawareerka, Qalalaasaha siyasadeed ee gudaha kulmiye ka Taagan ee bilaa qorshaha ah, taasi oo rakaab xumada hadda oo wajigii hore ee kulmiye badalay noqday mid magaciisa laga cararo.

7;Adeegii bulsho (Social Infrastructure) oo gebi – ahaanba aad u liita marka si hoose loogu kuur galo.

8;Kalsoonidii iyo Is’aaminkii Wada shaqeynteed kulmiye oo luntay iyo jamaahiirtii oo hungay aanay filayn ku habsaday.

9;Xoriyatul Qawlkii oo meel Adag Maraysa.

Go’aankasta oo maanta Kulmiye qaata waa guul darro, guuldaradiisana isagaa gacantiisa ku abuuratey oo 4 sanadood guuldaradu urursanayey uma badali karo Guulo, qorshe kasta oo uu wato albaabadiisu waxay kusoo afgo’ayaan guuldaro iyo Kulmiye oo lasii gunaanado.

Rabitaanka ururada ee wakhtigani ee guul wadayaashu dabada ka riixayaan in  ururo loo furo guul ma Keenayaan ee wakhtigii guuldarada ayey soo dedejinayaan, qorshaha qudha ee guushee ku banaani waa in doorashada aad wakhtigeedii lagu Qabto Guul iyo Guuldaraba. Kulmiyana nasiibkiisa ka qaado Isagoo ku ololeysanaya waxqabadkii dawladnimo ee ku sar Go’an wakhti xileedka, taasi aya qaranka curdinka ka badbaadin karta dariiqkasta oo cadawgeenu la jecelyahay in uu ku Guuldareysto.

Dabciga dawladnimo ayaa ku dhisan qori isku dhib,  koleyba Maalin uun baad tagi lahayde kursiga Madexwaynimo,  go’aankaa geesinimada leh qaado oo ah ku dhisan tabaabusho iyo qorshe meel uu ku dhamaado iyo jadwal siyaasadeed oo cad kana fog ku dul fikir sharciyeed.

Inta kula joogta ayaa Guuldaradaada ka shaqaynaysa waana inta ku doodaysa haddii ururo siyaasadeed halo furo oo ka soo hormara wakhtigii doorashadii madexwaynaha loo qoondeeyey jawdwalkana waa in sidiisa loo raacaa. Xisbiga Kulmiye-na waa cadceed casar joogta iyo kasoo Madexwayne aad gacanta kusoo saarto natijada ka dhalanaysaa ay tahay Guuldaro dadkii kursiga ku gayn lahaa way kaa hadheen. Ururada la furayo ee Xukumadadu daboda ka wadaa ma aha dhabadii guusha ee waa dhalanteed abuuri-karta qalalaase iyo buuq ujeedadiisu tahay muddo kordhin. Ii-kordhiya waa. Markaygiiye ii kordhiya qarankani kuma sii iibsamayo mana aha sunaha dhabada dimuqraadiyadu ina farayso.

Wabilaahi tawfiiq

Qalinkii Aqoonyahan Mohamed Omer Abdi.

Hargaysa Somaliland.

COMMENTS
LINKS