Sowtaan Dhan’kan U ro’gay, Goormay Dhan’kan kale ro’gotay!Q/W; Maxamed F. Qoti. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Sowtaan Dhan’kan U ro’gay, Goormay Dhan’kan kale ro’gotay!Q/W; Maxamed F. Qoti.
December 19, 2021 - Written by Editor:

Xilka qaadistu iyo Isku beddelka waa mid dabiiciya in la sameeyo goorta ay haboon tahay iyo goobta ay ku haboon tahay, Inkastoo Wasiirku ku deg-degay xil ka qaadistiisa Madaxa Nafaqada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland iyo magacaabista Agaasimaha Waaxda Qorsheynta Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka oo horre xilka loogaga qaaday xil-gudasho la’aan, haddana waxaan soo dhaweynayaa maalmahan isku beddelka iyo xil ka qaadistii uu ku sameeyey shaqaalihiisa Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Gaafaadhi.

Dr. Axmed Jaamac Muuse waxa xilka Madaxa Nafaqada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland loo magacaabay bishii Murch Sannadkii 1911-kii, wakhtigaas oo ay aad u sareysay  xaaladda nafaqo laáaneed ee ka jirtay dalka Jamhuuriyadda Somaliland, taasoo lagu qiyaasay wakhtigaas celcelis ahaa Boqolkiiba kow iyo labaatab 21%   iyo caruurta u dhimanaysay  xaaladda nafaqo darro.

Dr. Axmed Jaamac Muuse markii uu la wareegay xilkaas waxa uu la wareegay 10-of oo shaqaale ah oo ku qornaa xafiiska nafaqada qaranka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland, maanta wax aka hawl-gala xafiiska nafaqada qaranka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka  198-shaqaale oo si hufan oo xilkasnimo leh u guta, una tabobaran qiimeynta iyo xakameynta xaaladda nafaqada darrida hooyadda iyo dhalaanka Jamhuuriyadda Somaliland.

Dr. Axmed waxa uu dhidibada u taagay afar kooxood oo ku wareega dhamaan dalka oo qiimeyn iyo daaweyn ku sameeya caruurta nafaq—darro hayso, waxa kale oo uu ka binneeyey xannaanooyinka hooyada iyo dhalaanka ee loo yaqaano Maternity Child Health (MCH) 216-goobood oo lagu quudiyo laguna daweeyo caruurta nafaqo-darradu ku dhacday,  sidoo kale waxa uu ka sameeyey Cusbitaaladda Dalka 12-goobood oo lagu daweey, laguna daryeelo caruurta nafaqo-darridu hayso, taasoo wakhtigan xaadirka ah xaaladda nafaqo darrada caruurtu ay hoos u dhacday iyadoo mareysa boqolkiiba kow iyo toban 11%.

Dr. Axmed waxa uu ahaa nin qun-yar socod ah, waayo arag aqoon dheer u leh xakameynta iyo qiimeynta xaaladda nafaqada, waxa uu ahaa nin daacad ah, oo aamin ah, xil kas ah oo si hufan shaqadiis u gudanaayey, sowtaan dhan’kan u roggay, goormay dhan’kan kale u roggotay.

QALINKII; Dr. Maxamed Faarax Qoti

  1. PH. Author, Astrologist
COMMENTS
LINKS